Wey Iga Faa’ideysteen..Rayaan Aabihiis Oo Dacwo Ka Ah Qoladan

-

Khaalid Oraam oo ah aabaha dhalay wiilkii marookaanka ahaa ee ceelka dhacay ee Rayaan ayaa digniin ka soo saaray kooxo qowleysata kuwaasi oo ka faa’ideystay dhacdadii xanuunka laheyd ee wiilkiisa ku dhacday.


XAQIIQO NEWS- WARARKA DIBADDA

Waxaa baraha bulshada lagu baahiyey Rayaankii ceelka ku dhintay aabihiis oo ka andacoonaya dad magaciisa ku furtay bogag faysbuug ah si ay dadka lacag uga aruursadaan.

Waxaa uu yiri “qowleystada ma ahan kuwa leh wax damiir ah ,waliba khiyaanada internetka si gaar ah waa bahalnimo”

Waxaa uu xusay taageerada iyo garab istaaga carabta u muujiyeen taasi oo ku sheegay in niyadda u qaboojisay isaga iyo xaaskiisa Wasiima oo iyada aan indhaheeda is saarin tan iyo markii wiilkooda yar uu ceelka ku dhacay.

Badbaadinta Rayaan ayaa mashquulisay dhammaan deegaanada ku hareereysan magaalada Sheefshaawin ee dhacda waqooyiga Marooko iyo guud ahaan dunida oo dhan.

wax ka badan 100 saacadood ayuu Rayaan ku dhax qaatay Ceelka uu ku dhacay waxaana ka muuqday dhaawacyo iyo dhiig bax ay sababeen dhagaxyadii uu ku dul dhac, sidoo kale dhaqaatiirta ayaa sheegeen in Rayaan uu ka jabay qoorta iyo laf dhabarta.

Wararka U Dambeeyey

Yurub Oo Koronto La’aan Iyo Biyo La’aan Ka Cabaneysa!

XAQIIQO NEWS- WAR IYO DHAMMAANTIIS WARKA: Xilli dagaalka Yukrayn uu afar bil jirsaday, todobaadkan Putin waxaa uu jaray tubadii ugu...

Dameerkii Ugu Cod Qurxan Ayaa Guuleysanaya!

Magaalada San Andeero ee dalka Kolombiya sanad walba waxaa lagu qabtaa tartan cajiib ah oo u gaar ah "dabaaldagga...

Hadii Aad Ku Hurudo Qol Iftiin Leh..Iska Jir Halistan Caafimaad

Albaabada iska xir, daaqadaha soo laab ka hor inta aadan isku tuurin firaashka waa talada ay bixineyso daraasad cusub...

Ikhwaanu Muslimiin Arooskooda Eeyaa La Qalaa

Waxaan ku jirnaa maalmaha "Hilba waradka(ayaamu tashriiq) ee ciida weyn ee muslimiinta, aniga oo niyadda ku haaya fadliga maalmahaas...

Daawo..Mareykanka Dabaaldagii Xoriyadda Oo Toogasho Ka Bilaabatay

Muuqaalka baraha bulshada la soo dhigay waxaa lagu arkayaa dad kala cararaya meel ay ka socotay dabaaldaga maalinta xoriyadda...

Hormuud Oo Webseetyada Turkiga Xanibtay..Waa Tan Sababta

Bankiga dhexe ee Soomaaliya ayaa ku dhawaaqay in bankiyo caalami ah xarun ka furanayaan Soomaaliya, waxaana ugu weyn bankiga...