Wey Ku Riyoodeen..Laakiin Maanta Ayey Rumowday

-

Hawada oo lagu duulo waliba qaab fudud sida adiga oo wata mooto labo lugaaley, waxa ay aheyd riyo Jabaaneesku ku riyoon jireen oo maanta xaqiiqo isku badashay.


XAQIIQO NEWS- TIKNOOLAJI

Wakaaladda “Associated Press” ayaa qortay dhacdada ku saabsan tijaabo duulimaad oo guuleysatay, walow tijaabadu aheyd mid iska bilow ah, haddana duulimaadkii ugu horeysay waxa uu ku guuleystay in uu qaado hal qof.

Shirkadda “Sky Drive Inc.”oo qeyb ka aheyd tobnaan shirkado ah oo howshan waday, ayaa sameysay tijaabo duulimaad iyaga oo soo bandhigay qalab loogu yeeri karo “Baabuur diyaaradeed”.

Shirkadda ayaa baahisay Fiidiyow uu ka soo muuqanaayo qalab cusub kaasi oo u eg “mooto dhug dhug ley” , goob ay ku hareereysan yihiin daaqado waxaa la arkayaa qalabka oo kor u kacaya masaafo dhan qiyaastii mitir ama labo mitir.

Tomohiro Fukuzawa, oo madax u ah kooxda cilmi baarista ee SkyDrive, ayaa sheegay inuu rajeynayo in “mootada duusha” ay noqon doonto mid suuqa laga helo 2030, laakiin wuxuu qirey muhiimadda ay leedahay ka dhigsiteeda mid amaan ah oo dadku isku haleyn karaan.

Waxa uu raaciyey “in ka badan 100 mashruuc oo ah “baabuurta duush oo dunida oo dhan ka jira, haddana kaliya tijaabooyin yar ayaa ku guuleystay in ay duulaan iyaga oo qof saaranyahay, waxaan rajeynayaa in dadku jaclaan doonaan fuulisteeda ayna ku dareemi doonaan amaan”

Wararka U Dambeeyey

Yurub Oo Koronto La’aan Iyo Biyo La’aan Ka Cabaneysa!

XAQIIQO NEWS- WAR IYO DHAMMAANTIIS WARKA: Xilli dagaalka Yukrayn uu afar bil jirsaday, todobaadkan Putin waxaa uu jaray tubadii ugu...

Dameerkii Ugu Cod Qurxan Ayaa Guuleysanaya!

Magaalada San Andeero ee dalka Kolombiya sanad walba waxaa lagu qabtaa tartan cajiib ah oo u gaar ah "dabaaldagga...

Hadii Aad Ku Hurudo Qol Iftiin Leh..Iska Jir Halistan Caafimaad

Albaabada iska xir, daaqadaha soo laab ka hor inta aadan isku tuurin firaashka waa talada ay bixineyso daraasad cusub...

Ikhwaanu Muslimiin Arooskooda Eeyaa La Qalaa

Waxaan ku jirnaa maalmaha "Hilba waradka(ayaamu tashriiq) ee ciida weyn ee muslimiinta, aniga oo niyadda ku haaya fadliga maalmahaas...

Daawo..Mareykanka Dabaaldagii Xoriyadda Oo Toogasho Ka Bilaabatay

Muuqaalka baraha bulshada la soo dhigay waxaa lagu arkayaa dad kala cararaya meel ay ka socotay dabaaldaga maalinta xoriyadda...

Hormuud Oo Webseetyada Turkiga Xanibtay..Waa Tan Sababta

Bankiga dhexe ee Soomaaliya ayaa ku dhawaaqay in bankiyo caalami ah xarun ka furanayaan Soomaaliya, waxaana ugu weyn bankiga...