WHO..Karoona Fayruska Somaliland Ma Aqoonsanin!

La Wadaag Asxaabtaada

Dowladda aan aqoonsiga heysan ee Somaliland ayaa shaacisay in dalkeeda laga helay labo qof oo qabta xanuunka Karoona fayrus.


Xaqiiqonews-Wararka Gudaha

Inkastoo Somaliland ay adkeysatay in baaritaanka labada qof ee cudurka laga helay lagu sameeyey Kenya, dhankeeda Df-ka ayaa sheegtay in gabi ahaanba aan lagu kalsoonaanin karin macluumaadka Somaliland.

Sida lagu qoray webseetyada Soomaalida,WHO ayaanan liiska dadka qaba Karoona Fayrus ku darin labadii qof ee cudurka laga helay Somaliland.

Sidoo Kale Aqri..Jeesow Oo Si Odeynimo Ah Ula Taliyey Shacabka Somaliland

Wasiirka ku xigeenka DF-ka oo la hadlay warbaahinta ayaa sheegay in Df-ka aysan kiisaska noocani ah u gudbineynin hay’adaha caafimaadka aduunka isagoo marmarsiiyo ka dhigtay “awooda caafimaad ee Somaliland” oo ah mid liidata sida uu hadalka u dhigay

Somaliland ayaa horay u sheegtay in labo qof oo ku kala sugan magaalooyinka Berbera iyo Burco laga helay cudurkaasi, iyadoo xustay in mid kamid ah uu yahay muwaadin Shiineys ah, halka midka kalena ay ku sheegtay Muwaadin haysta dhalashada Ingiriiska.

FADLAN QEYBTA HOOSE KU DHIIBO ARAGTIDAADA
La Wadaag Asxaabtaada