WHO Oo Ka Jawaabtay Su’aashan..Karoona Qofka Ma Ku Soo Laabtaa?

La Wadaag Asxaabtaada

Khabiir ka tirsan hay’adda Caafimaadka aduunka Maria Van Kerkhof,ayaa sheegtay in aan ilaa iminka la xaqiijin karin hadii Karoona uu ku soo laabta dadkii uu ku dhacay iyo inkale


Xaqiiqonews-Caafimaad

Van Kerkhof oo shir jaraa’id ku qabatay Jineefa ayaa tibaaxday in ay jiraan daraasadaha dhowr ah oo lagu ogaanaya ilaa inta jirka qofka uu ku jiri karo lidka Fayruska Karoonaha.

Sidoo Kale Aqri..WHO Ayaa Dunida Ugu Bishaareysay Daawadii Ugu Horeysay

Waxa ay tilmaamtay in loo baahanyahay bilo badan si loo ogaado xaqiiqda qaabka uu Karoonaha ula shaqeeyo jirka.

Van Kerkhof , ayaa cadeysay in ay jiraan khubaro xaqiijineysa daraasado laga sameeyey Shiinaha, khubarada ayaana laga sugayaa wixii ka soo baxay daraasadaha iyo waxa la sameyn karo mustaqbalka.

FADLAN QEYBTA HOOSE KU DHIIBO ARAGTIDAADA
La Wadaag Asxaabtaada