Cabdulaahi oo ah wiilka ugu yaraa ee Mursi ayaa u geeriyooday wadna xanuun,,arintaasi oo meelo badan kaga eg geeridii aabihiis.
Xaqiiqonews-Wararka dibadda
25 Augosto Cabdulaahi ayaa Facebook ku daabacay erayadii uu isticmaali jiray aabihiisii dhintay ee Mursi.
Wiilkan yar ayaa faaladiisa u qoray sidan “erayadan waxa aan ka soo amaahday Al-shahiid Madaxweyne Mursi, waxaan diidanahay willina aan diidaya wax wada hadal ah oo aan ka galo dhiigga shuhadadii u dhimtay kacaankii Masar, intiiba dambiilayaasha aan nagu abtirsan ay wadaan xasuuqa, waxaana baaq u dirayaa hogaanka, dhalinyarada iyo horkacayaashii kacaanka anigoo leh, wax gorgortan ah kama galaayo dhiiggii shuhada, mana aqoonsani wax la yiraahdo “Afgambi”.
Sidoo Kale Aqri:Erdogan Muxuu Ka Wadaa “Mursi Ajashiisa Ma Dhamaan!
Galabnimadii Arbacada ayuu dhintay Cabdulaahi Maxamed Mursi ka dib wadnaha oo si kadis ah u istaagay, iyadoo loola cararay Isbitaal lagu Magacaao Aljiiza oo dhaca galbeed Caasimadda Qaahira.