Wiilkii Seddexaad ee Lionel Messi Waxaa Loo bixinayaa “Cr.Ronaldo”#Ogow Sababta.

Warbaahinta ayaa boorka ka qaatay, magaca loo bixin doono Wiil seddexaad oo Lafilaayo in uu dhawaan ku soo biiro qoyska xidiga Reer Argentina Lionel Messi, wiilkaasi oo loo bixiyey Cristiano Ronaldo oo ah magaca ninka la tartamo Messi ee xiddiga reer Portugal Cristiano Ronaldo.

Warbixin Xaqiiqonews ay ka soo tarjuntay Wargeyska ‘Marka’ ayaa farta ku fiiqeysa in marka lafiiriyo magaca wiilka Messi oo ah “‘Ciro” marka lajoogo luuqada shiinaha looga hadlo ee Mandarin uu micninihiisa noqonaayo “Cr.Ronlado”.

Qoyska Messi ayaa go,aan ku gaaray in wiilkooda dhalan doono dhawaan ay u bixiyaan magaca “Ciro.” oo ah naaneys ay shiinaha u yaqaanaan “Cristiano Ronaldo”.

Ciro ayaa noqon doono wiilka seddexaad ee Messi oo ay hadda u joogaan labo wiil oo kala ah Thiago oo 5 sano jir ah iyo Mateo oo 2 sano jir ah.

FADLAN QEYBTA HOOSE KU DHIIBO ARAGTIDAADA