Wixii Hore Oo Dhanba Ka Daran Waa Tee “Naagta Gaduudan?

La Wadaag Asxaabtaada

Waxaa jira sheekooyin farabadan oo ku saabsan dad jaceyl waali ah u qaaday “Midabada” , naagtani oo ku nool tuulo yar oo ka tirsan dalka Bosnia waxa ay si gaar ah nolasheeda u hibeysay midabka gaduudan.


Xaqiiqonews-

Zorica Ribernick, waa 67 jir, waxa ayna nafteeda ku qarqisay midabka gaduudan, waxa ay ku nooshahay guri gaduudan oo ay ka buuxaan alaab gaduudan, dharkeeda oo dhamaantood gaduud ah waxa ay ku xareesanyihiin armaajo gaduudan.

Jaceylka waalida ee ay u qabto midabka gaduudan waxaa laga fahmi karaa sida tinteeda oo dhanba ugu cilaamatay cilaan gaduud ah, xitaa guurkeeda waxa ay xiratay taaj gaduudan, sidaasi si la mid ah tacsiyada iyo janaasooyinka waxa ay ku tagtaa dhar gaduud ah.

Laakin waxa ay aad u naxday maalinkii ninkeeda Zoran uu ku qasbay in aaladda kuleyliyaha ay noqoto caddaan.

Sidoo Kale Aqri: Gabar Cudurkeeda Lagu Wareeray..Iyo Koob Shaah Oo Xujada Furay !!

Naagtani gaduudan waxa ay leedahay dadka oo dhan waa i yaqaanan, xitaa haddiyadaha marka ay siinayaan waxa ay u soo dooqaan gaduud, waxa ay sheegtay in ay diido wax walbo oo aan gaduud ah aheyn.

Waxa ay tiri “Markii aan jiray 18 ama 19 sano, waxa ay jaceyl waali ah u qaaday xirashada dharka gaduudan”

Wararka waxa ay sheegayaan in Zorica ay ninkeeda iyo nafteeduba u sameysay Naxash qabriyeed gaduudan oo u eg kan sida gaarka ah loogu isticmaalo Hindiya.

FADLAN QEYBTA HOOSE KU DHIIBO ARAGTIDAADA
Like
Like Love Haha Wow Sad Angry
La Wadaag Asxaabtaada