Xaalad Jahawareer ah…Daawo Trump Iyo Warqadda Musqusha Wixii Kala Qabsaday

-

Madaxweynaha Mareykanka Trump ayaa taariikh fac weyn ku dhax leh “Xaaladaha jahawareerka” tii ugu dambeysayna waxa ay dhacday khamiistii la soo dhaafay.

Xaqiiqonews.com-Wararka Dibadda.

Sawir qaadayaal ayaa soo jaray qeyb ka mid ah muuqaalka Trump oo diyaarad ka raacaya garoonka Minneapolis  isaga oo ku sii jeeda Mississippi, Muuqaalka ayaa muujinaya warqad u eg tan musqulaha oo lugta bidix ugu dhageysa Trump iyo Trump oo la tacaalaya.

Muuqaalka ayaa soo dhaweyn weyn kala kulmay baraha bulshada waxaana batay dadka ka dhiibtay faalooyinka jeejeeska ah.

Gabar ayaa soo qortay faallo mahadcelin ah iyadoo tiri  Trump waxa uu i siiyey qosolka kaliya ee aan qoslay maanta oo dhan.

gabar kale ayaa xaladda Trump iyo warqadda musqusha kala qabsatay Ku tilmaamtay  mid ka mid ah waxyaabihii ugu farxadda badnaa ee ay aragto malmahan.

Qof kale ayaa faaladiisa ku sheegay in muuqaalkani uu muujinaayo in ay yaraadeen taageerayaasha  difaacaya Trump.

Waxaa la aaminsanyahay in su,aasha ugu ceebta badan ee la is weydin karo muuqaalkan dhaxdiisa ay tahay “Yaa warqadda musqusha ku dhajiyey kabaha Trump?

Waxaa la sheegay in Trump xaalad jahawareer ah uu la kulmay sidan oo kale bishii Feb 2018 markii  tinta ay ka biibtay isaga oo goraaya diyaaradda madaxweynaha.

Wararka U Dambeeyey

Qadar Oo Ka Niyad Jabsan Sida Mareykanka Uga Aamusanyahay Dalabkeedii Beeca Diyaaraha

Sida ay daabacday majaladda "Wall Street Journal" ee Ameerikaanka ah dowladda yar ee gacan carbeed dhacda Qadar ayaa ka...

Falanqeyn..Icj Waxa Ay Sameysay Xal Mise Xaq

Maxakmadda cadaaladda QM ayaa go'aan ka soo saartay muran badeedka Soomaaliya iyo Kenya, go'aanka Maxkmadda ayaana ahaa mid...

Maxaa Dhici Kara Go’aanka Icj Ka Dib?

Sida balantu tahay go'aanka maxkamadda Icj ee ku saabsan muran Somaaliya iyo Kenya ayaa lagu dhawaaqi doonaa maalinta taladaada...

Imaaraatka Oo Iktishaaf Cusub Ku Sameeyey Meeraha Mars

Madax sare oo ka tirsan dowladda Imaaraatka ayaa baraha bulshada ku baahiyey iktishaafaat cusub oo Misbaarka Rajada ee Imaaraatka...

Safiirka Sacuudiga Ee Soomaaliya Waa Soomaali!

Dowladda Sacuudiga ayaa safiirkeeda Soomaaliya u magacaawday Axmed Maxamed Oo ka mid ahaa muwaadiniinta Soomaaliyeed Ee Sacuudiga ku nool. XAQIIQO...

Maxaa Keenay In Waqtigan Radio Muqdisho Af-Taliyaani Lagu Baahiyo?

Markii ugu horeysay muddo sano ka dib, idaacadda dowladda ay leedahay ee Radio Muqdisho ayaa lagu tabin doonaa af-Taliyaani...