Xaaskii Hore Ee Trump Oo Kula Talisay In Uusan Dib Dambe Isku Soo Sharxin

La Wadaag Asxaabtaada

Xaaskii hore ee Trump Ivana Trump, ayaa shaaca ka qaaday in ay ka fogaatay xirfada siyaasadda sababtoo ah waxay Sheegtay in ay u aragto siyaasadda sida wax wasakh ah oo bilaash ah.

Warbixin dheer oo lagu daabacay The Big 6, majaladda ayaa ifisay  talada xaaskii  ugu horeysay ee Trump, Ivana Trump, ee quseeysa in Donald uusan mar dambe isku soo sharaxin madaxtinimada sannadka 2020,iyadoo sheegtay in uusan  u baahnayn culeys dheeraad ah.

“Waxaan qabaa in ay ka maqantahay xorriyaddiisa, mana u maleynayo inuu ogyahay macluumaadka la ikaga baahanyahay ee laga rabo madaxweyne isaga oo kale ah, waa xog badan, waana inaad barataa adduunka oo dhan.”

-Trump-ka Khiyaanoolaha ah

Trump ayaa Furay Xaaskiisa koowaad 1992 ka dib markii uu ku qiyaanay in uu la jiiftay Marla Maples.

Ivana Trump  xaaskii hore ee Trump Oo  hadda ah 69 jir ayaa qorsheyneysa dhawaan kowda bisha May  in ay soo saarto buugeeda “Racing Trump“.

Ivana ayaa sheegtay in aysan waligeed ka shikinin in uu qiyaano doono Trump oo ay  is qabeen muddo 15 sano ah, waxeyna tiri ” Donald waxa uu aadi jiray Xafiiskiisa ka dibna guriga ayuu iman jiray umana heysan in uu haayo waqti firaaqo ah oo uu igu qiyaani karo”.

FADLAN QEYBTA HOOSE KU DHIIBO ARAGTIDAADA
Like
Like Love Haha Wow Sad Angry
La Wadaag Asxaabtaada