Xadgudubka Ka Socda Falastiin Iyo Xaaladihii U Dambeeyey

-

Xaaladda ayaa aad u kacsan magaalada Qudus oo ka mid ah dhulka ay yahuuddu gumeysto, halkaasi oo ciidanka Yahuuddu ay ka wadaan tacadiyo ka dhan ah shacabka.


XAQIIQO NEWS- WARARKA DIBADDA

Kummanaan shacabka Falastiin ah ah oo isagu soo baxay masjidka Al-aqsa ayaa ku dhaartay in ay difaaci doonaan Al-aqsa, oo Yahuuddu ay ka wado tacadiyo, ka dib markii dadka masjidka ku soo dukada ay ka soo horjeesteen yahuud dhawaan la soo dejiyey xaafad Shiikh Jaraax ee Qudus halkaasi oo laga eryey qoysaskii Falastiiniyiinta ahaa ee daganaa.

Ciidanka gumeysiga Yahuudda ayaa xoog u adeegsanaya dibadbaxayaasha waxa ayna tacadiyo kala duwan kula kacayaan shacabka iyo saxaafadda.

Sawir qaadayaasha Anadol iyo Aljazeera oo ka mid ah warbaahinta ku sugan goobta ee dhacdooyinka soo tabinaya ayaa baahiyey muuqaalada wariyaasha oo la jirdilaayo.

Maxaa Cusub?

Xiisadahan cusub ayaa soo baxay ka dib markii qoysas falastiiniyiin ah laga barakiciyey xaafad ka mid ah xaafadaha ugu qadiimsan Qudus, arintaasi oo dadka la socda xaaladda Qudus ay ku tilmaameen “sal kicin” madaama hadii qorshahani uu hirgelo ay Qudus gacanta u galeyso Yahuudda.

Qoysaska Yahuudda ayaa ku andacoonaya in ay maxkamadi u xukuntay in ay iyaga dhulka leeyihiin, qoysaska Falastiinna ay yihiin dad ka soo hijrooday Jordan.

Kooxaha Muqaawamada Falastiin oo horay ugu hajnabay in ay tallaabo qaadi doonaan ayaa bilaabay in ay gantaalo ku duqeeyaan xaafado Qudus ka mid ah oo yahuudd ay heysato, arintaasi oo keentay in Qudus ay gasho xaalad kala orod iyo “feejignaan ah”.

Waxaana la soo sheegayaa in Qudus ay ku dhaceen dhowr gantaal oo kooxda Kataa’ib al Qasaam ay ka rideen dhinaca Ghaza.

Wararka U Dambeeyey

Yurub Oo Koronto La’aan Iyo Biyo La’aan Ka Cabaneysa!

XAQIIQO NEWS- WAR IYO DHAMMAANTIIS WARKA: Xilli dagaalka Yukrayn uu afar bil jirsaday, todobaadkan Putin waxaa uu jaray tubadii ugu...

Dameerkii Ugu Cod Qurxan Ayaa Guuleysanaya!

Magaalada San Andeero ee dalka Kolombiya sanad walba waxaa lagu qabtaa tartan cajiib ah oo u gaar ah "dabaaldagga...

Hadii Aad Ku Hurudo Qol Iftiin Leh..Iska Jir Halistan Caafimaad

Albaabada iska xir, daaqadaha soo laab ka hor inta aadan isku tuurin firaashka waa talada ay bixineyso daraasad cusub...

Ikhwaanu Muslimiin Arooskooda Eeyaa La Qalaa

Waxaan ku jirnaa maalmaha "Hilba waradka(ayaamu tashriiq) ee ciida weyn ee muslimiinta, aniga oo niyadda ku haaya fadliga maalmahaas...

Daawo..Mareykanka Dabaaldagii Xoriyadda Oo Toogasho Ka Bilaabatay

Muuqaalka baraha bulshada la soo dhigay waxaa lagu arkayaa dad kala cararaya meel ay ka socotay dabaaldaga maalinta xoriyadda...

Hormuud Oo Webseetyada Turkiga Xanibtay..Waa Tan Sababta

Bankiga dhexe ee Soomaaliya ayaa ku dhawaaqay in bankiyo caalami ah xarun ka furanayaan Soomaaliya, waxaana ugu weyn bankiga...