Xagee buu Ka yimid Magaca” Ramadaan”#ogow wax badan oo aadan ka ogeyn Ramadaanka

-

Magaca “Ramadaan” ma ahan magac baxay Xiligii Nabi muxamed Scw balse carabta ayaa horay u isticmaali jiray magacan”Ramadaan” xilligii jaahiliyadda.
bilaha xilligan islaamka isticmaalo oo uu ramadaankuba ka mid yahay ayaa ah kuwo carabta horay u xisaabsan jirtay waxaana magaca bil waliba ay wadato uu ugu baxay xilliga ay bishaasi ku soo aadeyso waqti ahaan.
Tusaale bisha “ذي الحجة” waxaa magacan loogu bixiyey dadka ayaa xajin jiray marka bishan la joogo sidaa darteed ayey u qaadatay magaca ah“ذي الحجة” “tii xajka u saaxibka aheed” sidoo kale bisha “ربيع الأول” waxa magaca uu u baxay madaama bisha ay ku soo aadi jirtay xilliga guga.
Hadaba magaca “رمضان” ayaa ka yimid asal ahaan kalimadda carabiga ah ee “”رمَض” oo marka la micneeyo noqoneyso“kuleelka aadka u daran” maxaa yeelay Bisha ramadaan ayaa waqti ahaan ku soo aaday xilli aad kulul xilligii magaca bixinta, macnaha uu ka tarjumayo magaca bisha ayaa waxaa uu waafaqayaa sidoo kale xaaladda muslimiinta hadda oo qofka muslimka ah ee sooman calooshisa ay kululaaneyso soonka dartiisa.
Bisha ramadaan ayaa leh khasaa,is gaar ah oo aysan la wadaagin bilaha kale waxaana ka mid ah waa bishii uu soo dagay dagay qur,aankii ugu horreeyey ee nabi muxamed scw lagu soo dejiyo sidoo kale ramadaan oo ah bisha 9-aad ee bilaha sanadka hijriga waa bisha kaliya ee magaceeda qur,aanka xusay iyadoo alle sw uu ku leeyahy qur,aanka”(شَهْرُ رَمَضَانَ الَّذِي أُنزِلَ فِيهِ الْقُرْآنُ)،

Wararka U Dambeeyey

Yurub Oo Koronto La’aan Iyo Biyo La’aan Ka Cabaneysa!

XAQIIQO NEWS- WAR IYO DHAMMAANTIIS WARKA: Xilli dagaalka Yukrayn uu afar bil jirsaday, todobaadkan Putin waxaa uu jaray tubadii ugu...

Dameerkii Ugu Cod Qurxan Ayaa Guuleysanaya!

Magaalada San Andeero ee dalka Kolombiya sanad walba waxaa lagu qabtaa tartan cajiib ah oo u gaar ah "dabaaldagga...

Hadii Aad Ku Hurudo Qol Iftiin Leh..Iska Jir Halistan Caafimaad

Albaabada iska xir, daaqadaha soo laab ka hor inta aadan isku tuurin firaashka waa talada ay bixineyso daraasad cusub...

Ikhwaanu Muslimiin Arooskooda Eeyaa La Qalaa

Waxaan ku jirnaa maalmaha "Hilba waradka(ayaamu tashriiq) ee ciida weyn ee muslimiinta, aniga oo niyadda ku haaya fadliga maalmahaas...

Daawo..Mareykanka Dabaaldagii Xoriyadda Oo Toogasho Ka Bilaabatay

Muuqaalka baraha bulshada la soo dhigay waxaa lagu arkayaa dad kala cararaya meel ay ka socotay dabaaldaga maalinta xoriyadda...

Hormuud Oo Webseetyada Turkiga Xanibtay..Waa Tan Sababta

Bankiga dhexe ee Soomaaliya ayaa ku dhawaaqay in bankiyo caalami ah xarun ka furanayaan Soomaaliya, waxaana ugu weyn bankiga...