Xagee Iskaga Egyihiin Waraabaha Iyo Aadanaha?

La Wadaag Asxaabtaada

Dhowr mar, daraasadaha waxaa lagu soo daabacaa isku ekaansho xaywaan iyo bani’aadam , hase ahaae markani isku ekaanshaha la shaaciyey waa mid macquul aheyn.. maxaa ka dhaxeeya waraabaha iyo bani’aadamka?


XAQIIQO NEWS- LAYAAB DUNIDA

Sida ay qortay majaladda “Saynis”, koox baarayaal oo ka socday jaamacadda Mashigaan (Michigan), ee Mareykanka ayaa daba gal ku sameey koox waraabayaal ah oo ku sugan Kenya, iyaga oo la socday dhaqdhaqaaqooda, iyo dhaqamadooda muddo soddon sano ah.

Baarayaasha ayaa ku guuleystay in ogaadaan xiriirka ka dhaxeeya qoysaska waraabayaasha ah.

Kooxda ayaa ogaatay in warabayaasha yar yar ay xiriir saaxibtinimo la sameystaan kuwa kale ee ka soo jeeda qoysaska kale, halka xiriir hooyanimo ay la sameystaan hooyooyinkooda.

Daraasadda ayaa lagu ogaaday in waraabayaasha yar yari ee xiriirka xoogan la leh hooyooyinkooda, ay awood u yeesheen in ay noolaadan waqti ka dheer kuwa kale.

Warabaayasha aan xiriirka fiican la laheyn hooyadood waxa ay isku dayaan in ay sameystaan xiriir saaxibtinimo oo xoog leh.

Intii daba galka lagu haayey waraabayaasha, waxaa la ogaaday in waraabayaasha yar yari ay aabayaashood ka dhaxlaan gor ka fuulka ugaarta marka ay ugaarsanayaan.

FADLAN QEYBTA HOOSE KU DHIIBO ARAGTIDAADA
La Wadaag Asxaabtaada