Xagee Ku Ogtahay Duuliyihii Waday Diyaaraddii Riday Nukliyeerkii Horishiima?

-

David Engels oo ah qoraa Reer ingiriis ah ayaa kashifay  macluumaad ku saabsan diyaaraddii geerida oo ah diyaaraddii sitay bamkii lagu riday Horishiima.


XAQIIQO NEWS- WARARKA DIBADDA

Dhacdadii Horishiima waxa ay ka mid aheyd mid ka mid ah dhacdooyinkii ugu fool xumaa ee dhacay intii lagu guda jiray dagaalkii labaad ee dunida.

David Engels ayaa u baxay safar isaga oo hal hal ula kulmay dhammaan ragii saarnaa diyaaradda geerida kuwaasi oo ahaa ragii dhabarka u ridday xasuuqii Horishima.

Engels ayaana wax ka qoray nolasha  iyo halkii ay ku dambeeyeen howlwadeenada diyaaraddii geerida.

Waxaana qeybta hoose aan idinku soo gudbineynaa qaar ka mid ah raggii howsha fuliyey iyo xaaladda ay maanta ku noolyihiin.

David Engels ayaa sheegay duqeynta ka dib in dhamaantood lagu xareeyey xarumo caafimaad oo ay leeyihiin ciidanka Cirka Mareykanka, waxaana dhamaantood lagu sameeyey daaweyn maskaxeed iyadoo camaliyadda ka dib dhammaantood ay ka tageen shaqada marka laga reebo labo nin oo hadda wali ka sii tirsan ciidanka Cirka.

Etherly : Waa sarkaal ka tirsanaa ciidanka cirka waxaa uuna ahaa sarkaalkii iclaamiyey in howlgalka la gaaray lana joogo bartilmaameedkii Horishiima,   Etherly  dhacdada ka dib caqliga ayaa ka tagay, haddana waxa lagu daweynayaa mid ka mid ah isbitaalada lagu daweeyo dadka dhimirka ka xanuunsan ee ku yalla gobolka Texas.

Rober Lewis: waxaa uu ahaa ninkii caawiney duuliyaha. dhacdada ka dib ninkani waxaa ku dhacay xaaladda caafimaad ee afka-ingiriiska lagu yiraahdo “Hysteria”(waa xaalad qofka uu soo gocdo xasuus aan la ilaawi karin) waxa uuna caan ku ahaa hadalkiisii ahaa “Aniga markii aan rideynay Bombka waxaa ii muuqday magaalada oo dhan        ka dibna hal mar ayey naga qarsoontay markii bombka aan tuurnay ka dibna waxaan dhahay “Alla Ilaahow ! maxaan sameynay?”

Ninkani mar loogu baaqay in uu booqdo Magaaladii “Horishiima” si uu  u soo arko wixii ay sameeyeen ,waxa uu  uu ka biyo diiday in uu booqdo, maalintaasi ka dibna waxa uu galay oohin ilaa seddex maalin si aan kala go, laheyn, intaasi ka dib ninkani waxa uu dhintay sanadkii 1983-kii isagoo u dhintay wadnaha oo istaagay, xilli uu jiray 65 sano.

Robert Schumard: Waxaa uu ahaa caawiye xagga farsamada ah,  muddo seddex sano ayaa mar walbo oo uu hurdo waxa uu ku qeylin jiray “daruurta..daruurta” ilaa ay ka kiciso xaaskiisa oo illimo ay indhaha soo buuxin jireen.

sidaas oo ay tahayna Schumard wuxuu afka cad ku yiri “waxaa aan ku faanayaa in aan ka mid noqday kooxda shaqada loo xil saaray laakin kuma faanaya howsha aan qabanay”.

Theodore van Kirk: waxaa uu ahaa duuliyihii diyaaradda geerida,isagoo wax yar un ka soo caafimaaday niyad jabkii  duqeynta ayaa waxaa dhacday in telifishin Mareykanka ku yaalla in uu soo bandhigay barnaamij ka sheegeynayaa dhibaatadda gaartay Horishiima, Duuliyihii waxaa ku dhacay Neerfa xanuun uu la noolaa ilaa uu dhintay sanadkii 2014-ka isagoo jira da’ ku dhaw 93 sano.

Mar dad ka socday Japan oo ka badbaay dhacdadii Horishiima ay soo booqdeen Mareykanka Ayaa waxa ay la kulmeen Theodore van Kirk, isagoo filayey in wajiga uga candhuufaan ama caayaan ayaa waxaa dhacday arin aan la fileyn, waxeyna dadkii rer Japan ku yiraahdeen “Waan Ku Cafinay !”  arintaasi oo uga sii dartay xanuunkii haayey.

Wararka U Dambeeyey

Yurub Oo Koronto La’aan Iyo Biyo La’aan Ka Cabaneysa!

XAQIIQO NEWS- WAR IYO DHAMMAANTIIS WARKA: Xilli dagaalka Yukrayn uu afar bil jirsaday, todobaadkan Putin waxaa uu jaray tubadii ugu...

Dameerkii Ugu Cod Qurxan Ayaa Guuleysanaya!

Magaalada San Andeero ee dalka Kolombiya sanad walba waxaa lagu qabtaa tartan cajiib ah oo u gaar ah "dabaaldagga...

Hadii Aad Ku Hurudo Qol Iftiin Leh..Iska Jir Halistan Caafimaad

Albaabada iska xir, daaqadaha soo laab ka hor inta aadan isku tuurin firaashka waa talada ay bixineyso daraasad cusub...

Ikhwaanu Muslimiin Arooskooda Eeyaa La Qalaa

Waxaan ku jirnaa maalmaha "Hilba waradka(ayaamu tashriiq) ee ciida weyn ee muslimiinta, aniga oo niyadda ku haaya fadliga maalmahaas...

Daawo..Mareykanka Dabaaldagii Xoriyadda Oo Toogasho Ka Bilaabatay

Muuqaalka baraha bulshada la soo dhigay waxaa lagu arkayaa dad kala cararaya meel ay ka socotay dabaaldaga maalinta xoriyadda...

Hormuud Oo Webseetyada Turkiga Xanibtay..Waa Tan Sababta

Bankiga dhexe ee Soomaaliya ayaa ku dhawaaqay in bankiyo caalami ah xarun ka furanayaan Soomaaliya, waxaana ugu weyn bankiga...