Xagee Xutiyiinta Cunta Ugu Helayaan 2000 Maxbuus Sacuudiyaan ah?

La Wadaag Asxaabtaada

Sheekashada kooxda Xuutiyiinta ee aheyd in ay gacanta ku haayaan kumanaan Maxaabiis sacuudiyaan ah ayaa noqotay arin soo jiidatay indhaha Caalamka.


Xaqiiqonews-Wararka Dibadda

Weerarka lagu qabsaday askarta ayaa noqonaya kii ugu xumaa abid ee ay la kulmaan ciidanka Sacuudiga, waxaa uuna ka dhacay gobolka Xuduuda ee Najraan.

Yaxya Sariic oo u hadlay Xuutiyiinta ayaa ugu baaqay ehalada Maxaabiista in ay is dajiyaan, isagoo sheegay in ay amaankooda ku filanyihiin.

Sidoo Kale AqriWaa Kuwan Drones-kii Sacuudiga Weeraray..Xog Cusub

Tiro intan la eg in ay af-duubtaan Xuutiyiinta kaliya ma ahan guul-daro Sacuudiga soo gaartay iyo guul ay gaareen Xuutiyiinta,sidoo kale dhacdadami ayaa dunida tuseysa wajiga cusub ee uu yeeshay dagaalka yeman.

Waxaa laga yaaba in culeyska ugu badan ee hadda ay wajahayaan kooxda Xuutiyiinta in uu yahay sidii ay u ay ku dharjin lahaayeen caloosha ciidan intan la eg, iyadoo laga warqabo xaaladda dhaqaale ee dalka Yeman.

FADLAN QEYBTA HOOSE KU DHIIBO ARAGTIDAADA
La Wadaag Asxaabtaada