Kee Sax Ah..Qof iyo Cod Mise Qof iyo Qancin

Waa muhiim in aan is weydiina waxa ka soconaya Dhuusamareeb maxaa ka soo bixi kara- ma in dalku aado doorasho qof iyo cod? mise in dib loogu laabto hanaanka qof iyo qancin.


Xaqiiqonews-Wararka Gudaha

Qoraalkani taageero uma ahan N&N iyo kursiga in ay sii joogaan, gacana ma siineyso kooxda mucaaradka, maqaalkani waa aragtideyda siyaasadeed iyo sida aan arko waaqica, si aan aqristayaasha ula wadaago waxa soconaya.

Inta ugu badan shacabka Soomaaliyeed codkoodu wali waa aamusanyahay, badankoodna ma oga in la gaaray waqtigii iyaga la dhageysan lahaa, sida xaalku yahayna waa arin fudud in shacabka iskaga sii huursanaado godkan.

Nidaamka qancinta beelaha ama waxa loogu yeero “saamileyda siyaasadda” waa mid waswaasinaya in aan ogaano go’aankee sax oo hada dalka aadayaa…qof iyo cod mise qof iyo qancin.

Sidoo Kale Aqri..Waa Kan Hogaamiyaha Kaliya ee Soomaaliya Badbaadin Kara

Barfasoor Dalxa waxaa uu leeyahay “Dalka waxa uu ku soo shaqeeyey nidaamka “consensus” oo ah go’aan qaadashada qancinta qof walbo tan iyo xilligii hogaamiya kooxeedyada ee shirkii Imbagaati

Dalxa ayaa sheegay in nidaamka qancinta qof walba “consensus decision-making” uu dalka ku sababay dib u dhac badan isaga oo yiri “labo sano iyo bar ayaan u xiyirneen qancin bes oo markii qof baxa wax dhaqaaqaya aysan jirin”.

“hadii hal maamul goboleed uu baxo, dawladdu ma dhaqaaqi karto waaye macnaheedu” ayuu yiri Dalxa oo sheegay in qancinta xisbiyada madasha qaran ama wax loogu yeero saamileyda in ay la mid tahay qancintii hogaamiye kooxeedyada isagoo intaasi ku daray in muhiim tahay ilaalinta sharciga DF-ka oo dhigaaya qaadashada nidaamka go’aanka codka badan ama waxa afka qalaad lagu yiraahdo “majority decision-making”

Farqi ayaa u dhaxeeya go’aanka saxda ah iyo go’aanka Fudud

Waa run nidaamka qancinta waa mid fudud, laakiinse waxaa la joogaa waqti ay muhiim tahay in aan kala saarno maxaa noo fudud iyo maxaa sax ah.

Waxaa dhici karta in shaqsiyaad soo saaraan go’aano xun, balse wadanka ku noqon kara musiibo dhab ah, intaas oo dhan ka dib shirka ka soconayaa Dhuusamareeb waa xarash iyo madax waana wax la filan karo in labada dhinacba cad iyo madow uu mid u dhaco.

FADLAN QEYBTA HOOSE KU DHIIBO ARAGTIDAADA