Xarakada Xamaas ayaa horumarisay diyaarado “Drone ah” oo ay ku xiranyihiin madaxyo lid ku ah taangiyada dagaal.
Xaqiiqonews-Tiknoolaaji
Warbaahinta Cibraaniga ee ” Yedioth Ahronoth ” ayaa baahisay warbixin ku saabsan diyaarado “Drone” ah oo xambaarsan gantaalo aan horay loo arag.
Alex Fishman oo ka faalooda siyaasadda iyo arimaha millatariga ayaa waxaa uu sheegay “beegsi ay diyaarad drone ah sameeyey ayaa la fashiliyey hase ahaate Waxyaabaha laga filan karo Xamaas ayaa waxaa ka mid ah in ay wax ka badalaan hubkooda cusub,gaar ahaan horumarkani cusub waxaa uu na tusayaa horumarka kooxda ku talaabsatay ee dhanka hubka”.
15 Disember ee sanadkii 2015-ka waxaa gaadmo lagu dilay Injineer Maxamed Al Zwaari oo ku sagnaa Tuunis, iyadoo ninkani lagu eedeeyey in uu mas’uul ka ahaa horumarinta diyaaradaha “Drones-ka” eeXamaas.
Sidoo kale bishii April ee sanadkii 2018 waxaa MAlaysia lagu dilay injineer Faadi Al Badhsi oo ahaa ninkii ka shaqeeyey sida la isugu xiri lahaa bambooyinka iyo drones-ka ay isticmaasho xarakada Xamaas.