Shirkad ka shaqeysa Xagga Aminka oo Israeli ah ayaa shaaca ka qaatay in Xarakada Xamaas ay horumarisay, ablikeeshin “Aplication” suuragelinaya in la jaasuuso taleefoonada shacabka ISraeliyiinta.
Xaqiiqonews.com-Wararka Dibadda.
“Israel Alert” waa magaca uu sito barnaamijkan cusub, ee ay horumarisay Xamaas, si ay ugu jaasuusto shacabka Yahuudda,, waxaana sidaaa qoray Tv-ga Channel 10 ee Israeliga ah.
Sida xaqiiqonews ka soo tarjuntay Chanel 10, ablikeeshinka ayaa lagu sameeyey website been abuur ah, waxaana u jeedku ahaa jaasuusnimada qof walbo oo taleefonkiisa ku shubta barnaamijkan.
Chanel 10 ayaa Israeliyiinta uga digay in ay isticmaalaan barnaamijkan, oo wax badan u eg ablikeeshinka “Red light” oo inta badan Yahuuddu uga diga weerarada iyo gantaalaha ka imaada Dhanka Ghaza.
Sida uu baahiyey Chanel-ka, Xamaas ayaa horay u dusay qaar ka mid ah taleefoonada shacabka iyo askarta Yahuudda.
Digniintan ayaa imaaneysa, xilli ay dib u soo laba kacleyneyso xiisadda dagaal ee u dhaxeysa Muqaawamada iyo Yahuudda.