Xaqiiqo Qaraar: Arintan Lama Ogala In ay ogaadaan Muwaadiniinta caadiga(Sir dahsoon)

-

1 July 1960-kii waa markii soomaaliya lagu dhawaaqaay in ay midboobeen goboladii waqooyi iyo kuwii koonfureed,
Waana markii Aadan abdulle cimaan aadan cade loo doortay madaxweynaha jamhuuriyadda soomaaliya balse arintaasi ma aheyn sax sababtoo ah maalmulka Madxweyne Cadde ayaa waxaa uu hoostagaayi Taliyaanigii dalka gumeysan jiray sababtoo ah wadamada afrika ee xoriyadda qaatay oo dhan waqtigaasi ayaa arintaasi ka sinnaa waana markii ay caan baxday oraahda ah”BLACK BOY WITH BLUE EYES” oo micnaheedu yahay wiil cad oo indha buluug leh taas oo loogala jeedo in dhamaan madaxadii afrikaanta ee Aadan Cadde ka mid ahaa ay ahaayeen kuwo midib ahaan madow balse ku shaqeynaaya maanka caddaankii gumeysan jiray.

Iyadoo dadka shacbiga lagu marin haabaabinaayo gumeysiga cusub ee is badalay muuqaal ahaan ayaa waxaa jiray dad tiro yar oo fahansaanaa dabinga cusub ee gumeysiga,Gaar ahaan abwaanada iyo dadka wax garadka ah ee wax curiya ayaa dareenkooda ku soo bandhigay gabayo waxaana la xasuustaa markii ay soo baxeen gabayo lid ku ahaa madaxweyne cadde aqri beyd ka mid ah gabayadii xilikaa caan baxay beydkaasi oo si toos u tilmaamayey madaxdii xilikaa jirtay .
ismadoorin gaalkan diray iyo daarta kii galaye
danbi kuma hadlaaye ma arag dowladdan rabaye

Waxa uu abwaanka leeyahay ma jirto wax farqi ah oo u dhaxeeya Gaalkii aan la dagaalamay ee taliyaaniga iyo madaxweynaha talada qabtay waxaana gabayka abwanka ka muuqda in aysan xilikaasi dadka soomaaliyeed helin dowladii ay rajeynayeen.

Markii ay badatay dhaleeceyntii waxaa is casilay oo xilka iska dhiibay Aadan cade balse Cabdirashiid oo ka danbeeyeyna Wadadiisa ayuu maray isagoo waxba aan ka badalin nidaamkii .

21 OCT 1967-kii waxaa ay dad weynaha soomaaliya ku waabariisteen wax ka duwan dowladihii hore oo ahaa hogaankii dalka waxaa la wareegay Nin lagu magacaabo siyaad Barre oo ka tirsanaa ciidamadii dalka horayna tababaro iyo wada shaqeynba la soo qaatay talyaaniga.

Dadweynaha cabsi xoog leh ayaa ku beerantay waxaana laga war sugaayey waxa uu la yimaado SIYAAD barre ,Barre oo ahaa askari la soo shaqeeyey taliyaaniga ayaa sida caadiga ah dalka u sii gacan galiyey taliyaani taasi oo markale daaqadda ka bixisay in la arko soomaaliya oo xor ah.

Waxaana uu taliyaaniga siiyey qandaraasyo cusub sida isagoo gacanta u galiyey shirkaddii dhoofinta qudaarta SOMALI BANANA,Waxaa kale oo taliyaaniga ay gacanta ku dhigeen jaamacaddii umadda soomaaliyeed iyadoo maamulka jaamacadda si toos loo hoos geeyey taliyaaniga, Marka laga reebo kuliyaddii lafoole ee waxbarashada oo soomaali ay maamuliyeen.

Dhanka kale siyaad waxaa uu soo bandhigay qorsho cusub isagoo ogaa guuxa dadweynaha waxa uuna sheegay in qabiilku dhamaaday islamarkaan qabiilka la aasay balse si hoose ayey qabyaaladdu uga dhax socotay xafiisayada dowladda ilaa markii danbo shacbiga wada fahmo oo guux hoose uu bilowda waxaana abwaanada ay bilaabeen in dareenkooda ku cabiraan gabayo iyo heeso.

Tuduc ka mid ah gabayadii xilikaasi lagu dhaliilaayey cadaaladdaradii soomaaliya ka jirtay ayaa ahaa sidan tan
maxaad ugu dhawaaqdeen cadaalad aan laga dhabeyneynin
maxaad noogu dhalateen kuwii hore ma dhaantaane

Abwaanka gabayka kore tiriyey ayaa si cad ugu eedeeynaayey dowladii Siyaad in ay been u sheegtay dadweynaha iyadoo sheegtay in qabiilka dhamaaday balse wali uu qabiilka jiro,Markii uu sii xoogestay kacdoonii shacbiga ayaa waxaa bilowday kacdoono hubeysan kuwaas oo ugu danbeyn ku guuleystay in xakunka la tuuro madaxweyne siyaad balse kacdoonadaasi ayaa ku fashilmay in ay isku raacaan dowlad badasho tan siyaad barre.

Wixii ka danbeeyey siyaad barre Ilaa hadda waxaa sii xoogeysanaayey gumeyisga ay ku jiraan shacbiga soomaaliya
waxaana ugu danbeyn dalka uu gacanta u galay wadadmada galbeedka oo iyaga soo dirsaday madaxada hadda xilka heysa,waxaana dalka madax ka ah madax wato ugu yaraan labo dhalasho taasi oo shaki weyn gelin karta cidda ay daacad u yihiin madaxdaasi.

W/QORAY WARIYE CISMAAN AADAN CALI
BACHELOR OF JOURNALIS
Xaqiiqonews12@gmail.com

Wararka U Dambeeyey

Yurub Oo Koronto La’aan Iyo Biyo La’aan Ka Cabaneysa!

XAQIIQO NEWS- WAR IYO DHAMMAANTIIS WARKA: Xilli dagaalka Yukrayn uu afar bil jirsaday, todobaadkan Putin waxaa uu jaray tubadii ugu...

Dameerkii Ugu Cod Qurxan Ayaa Guuleysanaya!

Magaalada San Andeero ee dalka Kolombiya sanad walba waxaa lagu qabtaa tartan cajiib ah oo u gaar ah "dabaaldagga...

Hadii Aad Ku Hurudo Qol Iftiin Leh..Iska Jir Halistan Caafimaad

Albaabada iska xir, daaqadaha soo laab ka hor inta aadan isku tuurin firaashka waa talada ay bixineyso daraasad cusub...

Ikhwaanu Muslimiin Arooskooda Eeyaa La Qalaa

Waxaan ku jirnaa maalmaha "Hilba waradka(ayaamu tashriiq) ee ciida weyn ee muslimiinta, aniga oo niyadda ku haaya fadliga maalmahaas...

Daawo..Mareykanka Dabaaldagii Xoriyadda Oo Toogasho Ka Bilaabatay

Muuqaalka baraha bulshada la soo dhigay waxaa lagu arkayaa dad kala cararaya meel ay ka socotay dabaaldaga maalinta xoriyadda...

Hormuud Oo Webseetyada Turkiga Xanibtay..Waa Tan Sababta

Bankiga dhexe ee Soomaaliya ayaa ku dhawaaqay in bankiyo caalami ah xarun ka furanayaan Soomaaliya, waxaana ugu weyn bankiga...