Xaqiiqonews Oo 6 Bil Ka Hor Sii Sheegtay In Karoona Dilaaci Karo!

La Wadaag Asxaabtaada

Shabakadda Xaqiiqonews oo soo xiganeysay warbaahino galbeedka ah ayaa sii tabisay 6 bil ka hor suurtagalnimada in uu dilaaci karo cudur saf mar ah kaasi oo hoos u dhigaya dhaqaalaha aduunka 5%.


Xaqiiqonews-Wararka

Inkastoo kiiskii ugu horeeyey ee Karoona ah la arkay bishii Diseember, haddana cudurka karoona ma aheyn “xanuun kadis ah”.

Bishii Septembar Wargeyska The Sun oo soo xiganaya saraakiil ka tirsan hay’adda Caafimaadka aduunka ayaa sii sheegay in dunida ay halis ugu jirto cudur saf mar ah kaasi oo dili kara 80 milyan qof 24 saac gudahood.

Warbixinta ayaa waxaa ku jiray in cudurkani uu hoos u dhigi karo dhaqaalaha aduunka 5%, waxaa intaasi dheer isku dhax yaaca bulsho iyo fowdo ee cudurkani sababi karo oo ah mid aad u sareysa.

Intaasi oo kaliya ma aheyn, Xaqiiqonews oo soo xiganeysa WHO, waxa ay baahisay bishii Semptember ee sanadkii tagay 2019, in cudurkaasi laga cabsi qabo uu yahay mid u ek cudurka Hergab-shimbireedka.

Halkan riix Si aad u akhrisato warbixinta

FADLAN QEYBTA HOOSE KU DHIIBO ARAGTIDAADA
La Wadaag Asxaabtaada