Ururka Al-shabaab ayaa todobaadkii tagay dilay dad ka badan 20 qof, iyaga oo ku eedeeyey basaasnimo.
XAQIIQO NEWS- WAR IYO DHAMMAANTIIS
WARKA: Wararka ayaa sheegaya in Al-shabaab ay toogteen dad badan oo isagu jir shacab iyo rag horay Al-shabaab uga tirsanaa kuwaasi oo lagu eedeeyey basaasnimo, waxa ayna Kooxdu toogatay 24 qof afar maalin gudahood.
DHAMMAADKIISA: baaritaan xagga Internetka oo aan sameynay, ayaan waxaan helnay magacyada iyo sawirka qaar ka mid ah ragga ay kooxdu toogatay.
Abu Cabdirxmaan Al-Suudaani

Xogtan ayaan helnay ka dib taxliilin iyo falanqeyn aan ku sameynay qoraalo ay Facebook isku dhaafsadeen rag Al-shabaab horay ugu tirsanaa balse ka falaagoobay kooxda, kuwaasi oo qaarkood hadda ku biiray ururka dowladda Islaamiga ee Daacish.
Sidoo Kale Aqri: Waa Kuwan Magacyada Lix Qof Oo Al-Shabaab Ku Dileen Saakow
Abu Cabdi Raxmaan Al-Suudaani ayaa ururka Al-shabaab ka tirsanaa muddo ku dhaw 17 sano, waxa uuna xilliyadiii ugu dambeeyey ka shaqeynaayey qeybta dacwada.
Al-suudaani ayaa Al-shabaab dhexdeeda loogu yaqaanay “Munshid Al-suudaani”, waxa uuna dhowr marka ka soo muuqday isaga oo nashiido qaadaya wajigana loo qarinaayo muuqaalo ay Al-kataa’ib baahisay.

Ma ahan oo kaliya Al-suudaani, ragga kooxda ka tirsanaa ee la dilay, sidoo kale Al-shabaab ayaa toogtay, xubno ay ka mid yihiin Cabdi Qaadir Bambiiste, Abuu Cabdi Nuur oo loo yaqiinay “abuu weershe” iyo Jeylaani Mayow oo Al-shabaab dhaxdooda loogu yeeri jiray “Sheekhunaa”.
Ma ahan markii ugu horeysay ee Al-shabaab dilaan dad iyaga ka tirsan ama shacab ah oo lagu eedeeyey “basaasnimo” hase ahaate dhacdooyinkii ugu dambeeyey ayaa noqonayaa tiradii ugu badneyd oo waqti kooban ay Al-shabaab u khaarijiso basaasnimo