Waan ognahay waqtiga iyo waxyaabaha ay dadku xiiseeyaan waa ay isbadalaan, XAQIIQONEWS waxa aan ku sameynay isbadal si ugu yaraan aan iskugu soo dhaweyno danaheena iyo waxyaabaha ay xiiseeyaan aqristayaasheena.
XAQIIQO NEWS-
Muddo shan sano iyo bilooyin ah oo shabakadda ay qaaraan badan ku laheyd warshadda warbaahinta Soomaaliya, XAQIIQONEWS waxa ay ku guuleysatay in ay sameysato aqristayaal kuwaasi oo na aaminay.
Waxaan dooneynaa in aan u adeegno “dadka na aaminay” sida ugu fiican ee aan kari karno, si taasi u suurtagashana waxa aan isbadal ku sameynay dhinacyada soo socda
Isbadal Xagga Xawaaraha ah
Si isticmaalayaasha webseetkeena u helaan xogta ay raadinayaan sida ugu dhaqsiyaha badan iyo meesha ugu fudud, waxa aan kordhinay xawaaraha webseetka, annaga oo isbadal ku sameynay sumaddaa Webseetka (Website Theme).
Waxa aan ka sii shaqeyn doonaa bilaha soo socda in aan xawaaraha sii kordhino.
Maxaan U Joojinay Xayiisiinta Google-ka?
Waxaan Webseetkeena ka saarnay dhammaan xayiisamaha sida xayiisiinta Guugalka oo aan horay u adeegsan jirnay.
Sababo iyo shuruudo aan cadaalad aheyn oo guugalka uu adeegsado – sida in Soomaaliya u aqoonsaneyn dalalka laga ogalyahay, waxaan go’aansanay in gabi ahaanba aan ka saarno boggeena.
Sidoo Kale Guugalka ma ogolo in si dhameystiran ay isticmaalayaasha barnaamijkooda ugu madax baneeyaan in ay doortaan xayiisiinta ku habboon, taasi oo sababeysa in mararka qaar webseetkeena uu dhibbane u noqdo baahinta waxyaabaha ka dhan ah qayimka iyo diinta.
In aan joojinay dhammaan xayiisamaha waxa ay ka dhigan tahay in webseetkeena uusan wax dhaqaale sameyn doonin, iyadoo dhanka kale wararkeenu ay yihiin kuwa boqolkiiba boqol bilaasha ah.
Waxa aan furi doonaa qeyb “taageero dhaqaale” ay aqristayaasheena ugu deeqi karaan qorayaasha- annaga oo ka fikireyna sida ugu macquulsan.
Isbadalada Kale Ee Cusub
Iyada oo ay ugu wacantahay in aanan heysanin qorayaal, war soo gelinta webka waxa ay aheyd mid caajisan.
Isbadalka cusub waxaa ka mid ah in aan badinno qorayaasha webka, si taasi u dhucdana XAQIIQONEWS waxa ay raadisay/raadineysaa qorayaal, hadii aad ka mid tahay dadka xirfadan leh, fadlan maqalkaada waa noo muhiim, fariintaada noogu dir: xaqiiqonewsteam@gmail.com
Hadii aad noo heyso tallooyin iyo fariimo kale,ogow in aad xortahay oo aad fikirkaada na soo gaarsiin karto adiga oo adeegsanaya Iimeylka kore, waxa ay na gelineysaa farxad in aan fikirkaada maqalno.