Xaqiiqooyin Qarsoon Oo Aadan Ka Ogeyn Kenya…Dood Kulul

-

Dadka Kenyaanka waa caajisoolayaal, hadii aad arintaasi caddeyn uga baahan tahay fiiri bogga Tuwitterka ee Kenyaanka ay ku kulmaan ee (KOT).

Xaqiiqonew-Wararka

Kenya iyo Soomaaliya yaa horumarsan waa su,aal dood laga sameyn karo?

Dood ku saabsan “Faqriga iyo Dib u dhaca heysta Kenyaanka” ayaa waxaa sameeyey qoraayaasha Website-ka “Qoura” .

nin magaciisa yahay “Stephen Ochieng” ayaa ku bilaabay hadalkiisa “Hello” isagoo sii raaciyey “waxyaabaha dib u dhaca Kenya u keenay waxaa ka mid ah masuqmaasuqa, waan ku celinayaa waa masuqmaasuqa” ayuu yiri Stephen Ochien.

Qodobada kale ee Stephen uu sheegay waxaa ka mid ah “Nidaamka waxbarashada oo liita, Siyaasiyiinta oo isku batay.

Stephen ayaa hadalkiisa ku xoojiyey tusaalayaal isagoo yiri” Waxaan ognahay in Waiguru uu xaday balaayiin lacago ah laakin wili waa gofanar(Guddoomiye gobol)”

Wasaaradda Caafimaadka Kenya ayaa lunsatay lacago dhan 5 Bilyan oo Shinlinga Kenya ah, waxaana arintaasi fududeysay Gabar la dhalatay Uhuru Kenyatta ayuu yiri Stephen Ochien.

Anyang M. Omoding, oo ah wariye Kenyan ah oo degan Nairobi ayaa qeyb ka ahaa dooda isagoo ka dhawaajiyey qodob muhiim ah oo caan ku yihiin Kenyaanka, waa cudurka dilaaga ah ee “Caajiska”.

M. Omoding ayaa sheegay “in ka badan 50% dhulka Kenya waa mid aan la beerin” isagoo raaciyey “Dowladda waxa ay bilowday mashruuc shaqo loogu abuurayo dhalinyarrada, balse 75% lacagihii la bixiyey waa loo isticmaalay si khalad ah, willi dhalinyarrada waxa ay wadaan marmarsiiyadii Caanka aheyd “Waqti adag ayaa lagu jiraa”.

Waxaa in halkani Lagu xuso mudan in Kenya ay Soomaaliya uga hanjabtay Cunuqabteyn, arintaasi oo  la xariirta muranka badda ee Kenya iyo Soomaaliya, hase yeeshe marka si qoto dheer loo fiiriyo xaaladda murugsan ee ay ku noolyihiin shacabka Kenya wey adkaan doontaa sida meelmar ay u noqoto hanjabaadaha noocan oo kale ah.

Wararka U Dambeeyey

Yurub Oo Koronto La’aan Iyo Biyo La’aan Ka Cabaneysa!

XAQIIQO NEWS- WAR IYO DHAMMAANTIIS WARKA: Xilli dagaalka Yukrayn uu afar bil jirsaday, todobaadkan Putin waxaa uu jaray tubadii ugu...

Dameerkii Ugu Cod Qurxan Ayaa Guuleysanaya!

Magaalada San Andeero ee dalka Kolombiya sanad walba waxaa lagu qabtaa tartan cajiib ah oo u gaar ah "dabaaldagga...

Hadii Aad Ku Hurudo Qol Iftiin Leh..Iska Jir Halistan Caafimaad

Albaabada iska xir, daaqadaha soo laab ka hor inta aadan isku tuurin firaashka waa talada ay bixineyso daraasad cusub...

Ikhwaanu Muslimiin Arooskooda Eeyaa La Qalaa

Waxaan ku jirnaa maalmaha "Hilba waradka(ayaamu tashriiq) ee ciida weyn ee muslimiinta, aniga oo niyadda ku haaya fadliga maalmahaas...

Daawo..Mareykanka Dabaaldagii Xoriyadda Oo Toogasho Ka Bilaabatay

Muuqaalka baraha bulshada la soo dhigay waxaa lagu arkayaa dad kala cararaya meel ay ka socotay dabaaldaga maalinta xoriyadda...

Hormuud Oo Webseetyada Turkiga Xanibtay..Waa Tan Sababta

Bankiga dhexe ee Soomaaliya ayaa ku dhawaaqay in bankiyo caalami ah xarun ka furanayaan Soomaaliya, waxaana ugu weyn bankiga...