Xarun Sayniska Iyo Tiknoolajiyadda U Gaar Ah Oo Muqdisho Lagu Dhagax Dhigay

-

Jaamacadda SIMAD oo caan ku aheyd aqoonta ganacsiga iyo xisaabaadka ayaa dhawaan daah furtay xarun cusub oo u gaar ah cilmiga iyo tiknoolajiyadda.


XAQIIQO NEWS- TIKNOOLAJI

Sida ay sheegeen howlwadeenada, xarunta cusub ayaa ku fadhiisan doonto dul la eg 84 kun mitir oo laba jibbaaran, xarunta ayaana martgelin doonto in ka badan 15 kun oo arday halkii mar.

Howlwadeenada Jaamacadda ayaa sheegay in jaamacadda ay isbadal ku sameysay hadafkeeda ahaa ganacsiga iyo hal abuurka oo kaliya waxa ayna xuseen in ay ku soo dareen qeyb kale oo xoogga saari doonta sayniska iyo tiknoolajiyadda.

Tallaabada jaamacadda qaaday ayaa saldhig looga dhigay sida la sheegay baahiya bulshada ee qarnigan 21,aad, xarunta cusub ayaana ka shaqeyn doonta wax ka qabashada cimilada, haqab beelka cuntada iyo caafimaadka.

Dhgax dhigga xarunta sayniska iyo tiknoolajiyadda ee jaamacadda SIMAD

Jaamacadda SIMAD ayaa ka mid ah jaamacadaha ugu faca weyn ee magaalada Muqdisho ka shaqeeya, jaamacadda ayaana caan ku aheyd kuliyadaha ganacsiga iyo xisaabaadka.

Wararka U Dambeeyey

Yurub Oo Koronto La’aan Iyo Biyo La’aan Ka Cabaneysa!

XAQIIQO NEWS- WAR IYO DHAMMAANTIIS WARKA: Xilli dagaalka Yukrayn uu afar bil jirsaday, todobaadkan Putin waxaa uu jaray tubadii ugu...

Dameerkii Ugu Cod Qurxan Ayaa Guuleysanaya!

Magaalada San Andeero ee dalka Kolombiya sanad walba waxaa lagu qabtaa tartan cajiib ah oo u gaar ah "dabaaldagga...

Hadii Aad Ku Hurudo Qol Iftiin Leh..Iska Jir Halistan Caafimaad

Albaabada iska xir, daaqadaha soo laab ka hor inta aadan isku tuurin firaashka waa talada ay bixineyso daraasad cusub...

Ikhwaanu Muslimiin Arooskooda Eeyaa La Qalaa

Waxaan ku jirnaa maalmaha "Hilba waradka(ayaamu tashriiq) ee ciida weyn ee muslimiinta, aniga oo niyadda ku haaya fadliga maalmahaas...

Daawo..Mareykanka Dabaaldagii Xoriyadda Oo Toogasho Ka Bilaabatay

Muuqaalka baraha bulshada la soo dhigay waxaa lagu arkayaa dad kala cararaya meel ay ka socotay dabaaldaga maalinta xoriyadda...

Hormuud Oo Webseetyada Turkiga Xanibtay..Waa Tan Sababta

Bankiga dhexe ee Soomaaliya ayaa ku dhawaaqay in bankiyo caalami ah xarun ka furanayaan Soomaaliya, waxaana ugu weyn bankiga...