Idaacadda Alshabaab ayaa baahisay wareysi gaar ah oo laga reebay hogaamiyihii Weerarkii SYL Moxamed Maxmuud Cabdi oo ku caan ahaa saadaq ama Xasaan.
Xaqiiqonews-Wararka Gudaha
Saadaq oo sidoo kale loo yaqaan “Xasaan” waa 24 jir ku dhashay Bu’aale oo ah Caasimadda Jubbada Dhexe, waxa uuna beel ahaan ka soo jeedaa “Xawaadle” gaar ahaan jufada reer Ugaas.
Idaacadda Alshabaab ayaa “Xaasaan” ka sameysay barnaamij gaar ah oo soconaya 17 daqiiqo iyo ilbiriqsiyo kuna bilaabanaya nashiido carabi ah, wareysigaasi ayuuna xasaan ku faafaajiyey qaab nololeedkiisa.
Xasaan Waxa uu ka soo mid noqday ciidanka Lugta Alshabaab ee Jabhadda Hiiraan ilaa ugu dambeyntii uu ku biiray kooxda Isqarxiinta, waxa uuna nolashiisa ku soo dhameeyey weerarkii SYL oo dhacay 10-ka bishan aynu ku jirno.