XASAASI: Alshabaab oo baahiyey magaca iyo qabiilka ninkii isku qarxiyey Deg. Wadajir

La Wadaag Asxaabtaada

idaacada ku hadasha afka xarakada ayaa sii deysay warbixin dheer oo ay ku lafa gureen qaabkii uu u dhacay weerarkii shalay ee ka dhacay degmada wadajir.

alshabaab ayaa sheegay weerarkii shalay in uu jawaab u ahaa waxa ay ugu yeereen masraxiyad uu jilaayey R/wasaare Kheyre oo habeenadii la soo dhaafaayey iska duubaay muuqaalo isaga oo la joogo dhalinayarro weydiinayana sida uu yahay amaanka muqdisho.

Wariyaha alshabaab ayaa is weydiiyey sababta kheyre uu ugu mushquulay in uu weydiiyo amaankooda dhalinayarro meesho loo keenay in uu isku sawirro ra,iisal wasaaraha xilli uu dayacay amaankii shaqaalihiisa !

Alshabaab ayaa sheegay ninkii fuliyey weerarkii xarunta degmada wadajir jir in lagu magaacabi jiray Abuubakar cismaan Cali oo alshabaab dhaxdeeda loogu yeeri jiray Macalin yaasir

Abuubakar ayaa ka soo jeeda beesha shiiqaal waxaa uuna ahaa nin muddo badan la soo shaqeeyey xarakada alshabaab.

Weerarkii Wadjir ayaa ahaa weerar lagu hoobtay maadaama ninka is qarxiyey ay u suuragashay in uu gudaha u galo xarunta degmada.

Waxaana dadka goobta ku wax yeeloobay ka mid ahaa gudoomiyihii degmada oo uu dhaawac soo gaaray, xoghayii degmada oo isna dhaawac ah, gudoomiyhii haweenka oo iyada dhaawac ah iyo sidoo kale gudoomiye waaxeed goobta ku dhintay.

qasaaraha ugu badan ayaa yimid ka dib markii uu soo dumay guri ay ku shiraayeen xubanaha shaqalaaha degmada oo xilliga uu qaraxa dhacaayey kuwada sugnaa goobta.

FADLAN QEYBTA HOOSE KU DHIIBO ARAGTIDAADA
Like
Like Love Haha Wow Sad Angry
La Wadaag Asxaabtaada