XASAASI: Beesha cabdiqaydiid uu ka soo jeedo oo kalsoonida kala laabatay farmaajo

-

[google_ad data_ad_slot=” data_ad_format=’rectangle’]
Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya kulan aan caadi aheyn oo ay magaaladda Muqdisho ku yeesheen xildhibaanada labada gole iyo siyaasiyiin kasoo jeeda jufada Sacad oo kamid ah Beesha Habar Gidir/Hawiye.
Kulankan ayaa ka dhacay guriga xildhibaanka aqalka sare Cabdi Xasan Cawaale Qeybdiid, waxaana xubnihii ka qeyb galay kamid ahaa Axmed Macalin Fiqi, Ubax Tahliil Warsame iyo Cabdi Kariim Khaliif Dalac oo wasiir ku xigeen ka ah xukumada RW Kheyre.
Wararka aynu helnay ayaa sheegaya in kulankan diirada lagu saaray saamiga ay beesha ka heshay dowladda cusub ee Soomaalia iyagoo isu raacay in xariirka loo jaro xukumada RW Kheyre.
Hogaamiyaashan ayaa sheegay in gabi ahaanba beesha Sacad aysan helin xaquuqdii ay lahaayeen isla markaana aanan loola dhaqmin si wanaagsan sidaas darteed aysan la shaqeyn doonin dowladda cusub.
Arimaha ugu waa weyn ee kulankaas diirada lagu saaray waxaa sidoo kale kamid ahaa in xilalkii laga qaaday xubno kasoo jeeda beeshaas oo isugu jiray agaasimayaal iyo masuuliyiin kale.
Ugu dambeyn siyaasiyiinta beesha SACAD ayaa ku heshiiyay in laga shaqeeyo danaha dadka dega Galmudug isla markaana aanan aayaha deegaanadaas gacanta loo gelin dowladda.
Kulankan oo ah ii ugu xasaasisanaa ayaa kusoo aadaya xili madaxweyne Farmaajo lagu eedeeyay inuu balantii uga baxay beesha Habar Gidir gaar ahaan Sacad oo uu ubalan qaaday inuu Ra’isul wasaare ka dhigayo xiligiisii olalaha maadaama ay k Mi ahaayeen beelihii u olaleeynaayey.
[google_ad data_ad_slot=” data_ad_format=’auto’]

Wararka U Dambeeyey

Nin Xaaskiiska U Dilay Maxaad Gabar Uurka Ugu Sidaa !

Arin argagax leh ayaa laga soo sheegay Masar, nin inta xaaskiisa dilay ka dibna meydkeeda gubay kuna aasay meel...

Xasan Iyo Xamze: Maxay Qaban Karaan Maxaase Dhici Karin?

WARKA: Barlamaanka Soomaaliya ayaa maanta codka kalsoonida siiyey si aqlabiyad buuxda ah RW cusub Xamza Cabdi Barre, haddaba su'aasha...

Jeesow Oo Sheegay In Qabiil Noqon Doonta Hadii La Isku Tuurtuura Dilka Ikraan Tahliil

Xildhibaan Daahir Amiin Jeesow ayaa si carro leh uga hadlay arinta Ikraan Tahliil, waxaa uuna ku celiyey in Ikraan...

Fahad Yaasiin Oo Si Aan La Dareemin U Qirtay Dilkii Ikraan Tahliil !

WARKA: Eedeysanihii ugu weynaa ee loo heystay dilka Ikraan Tahiil Fahad Yaasiin ayaa markii ugu horeysay si bablik ah...

Shiikh Sheegay In Israa’iil Ay Jinni U Isticmaasho Basaasidda Iiraan!

Xujutul-Islaam Naqiya Buurfar oo ah wadaad diimeed ahna ustaad jaamacadeed ayaa Tilifishinka Iiiraan ka sheegay in Israa'iil ay adeegsato...

Maxaa La Sameeyaa Markii Aadan Lacag Heysan?

in aad dareento baahi lacageed waa mushkilad caalami ah waana arin caadi oo dadka oo dhan ku dhacda ugu...