XASAASi:Fadeexad Harreysay Maamulka Jaamacadda Jaziira ee Muqdisho#aqriso faafaahin

La Wadaag Asxaabtaada

Waxaa dhawaan soo if-baxay urur diimeed cusub oo la magac baxay (الصادعون بالحق ) oo micnaheedu tahay”kuwa aan xaqqa la gaban” .
hadaba soo ifibixitii jamaacadan cusub ka dib ayaa shabakadda baarta wararka qarsoon ee xaqiiqonews waxa ay dabagal ku sameysay si ay u ogaato halka uu ka yimid ururkan cusub iyo cidda u qaabilsan soomaaliya.
baaritaan dheer ka dib ayaa waxa ay xaqiiqonews ogaatay in urur diimeedka cusub ee (الصادعون بالحق) ay asal ahaan ka soo bilaawdeen Masar.
Wakiilada Ururkani cusub ee soomaaliya ayaa u badan aqoonyahanno iyo culimo magac ku leh soomaaliya waxa ayna fikir ahaan isku dhawyihiin jamaacada (سلفية جد يد ية) oo soomaaliya caan ka ah.
Hadaba ragga hormuudka u ah jamaacadan cusub ayaa waxaa ugu miisaan culus nin la dhashay hogaamiyhii hore ee xisibul islaam xasan daahir aweys ninkan oo lagu magcaabo Cabdinur Daahir aweys ayaa ah aqoonyahan heysto heerka u sarreysa jaamacadda ee PHD.
Cabdinur ayaa ka mid ah macalimiinta jaamacadda Islaamiyah ee ku taal muqdiso taasi oo sahashay in ururkani shacbiyad badan ku yeesho muqdisho madaama macalin Cabdinur uu tashkiilyey macalimiinta jaamacadda iyo ardaydii uu baraha u ahaa.
DR. shirdoon ayaa sidoo kale ka mid ah ragga ugu magaca weyn urur diimeedkan cusub,shridoon ayaa ayaa ka mid Board-ka jaamacadda Jaziira isagoo qeyb ka ah sheeriska(dadka wax ka leh) jaamacadda jaziira ee muqdisho.
Si kastaba ha ahaate Soo bixitaanka arintani ayaa Guux iyo Xan hoose ka dhalisay gudaha jaamacaddaha jaziira Iyo Islaamiyah waxaan ardayada ay la dhafaakarsanyihiin ku luglahaanshiyaha Macalimiintooda ee urur diimeedkani Cusub.
[google_ad data_ad_slot=” data_ad_format=’auto’]

FADLAN QEYBTA HOOSE KU DHIIBO ARAGTIDAADA
La Wadaag Asxaabtaada