Xasan Sheikh Oo Laga yaabo In Uu Madaxweyne Noqdo iyo Mooshin Ka dhan Ah farmaajo

Madaxweyne hore Xasan Sheekh Maxamuud ayaa wada qorshe uu ku doonayo inuu dib ugu soo laabto talada Villa Soomaaliya, walibana uu bedalo Maxamed Cabdullaahi Farmaajo.

Sida ay wadaan xildhibaannada Damuljadiid waxaa la rabaa in mooshin lagu eryo madaxweyne Farmaajo, kadibna Xasan Sheekh meesha la keeno.

Xogta ayaa sheegeysa in Xasan Sheekh uu wado qalqaalo badan oo dalalka caalamka ah, sida dowladaha Turkiga, Sacuudiga iyo Imaaraadka.

Waxaa kale oo uu doonayaa Xasan in qarash badan kusoo bixiyo sidii mooshin loogu ridi lahaa Farmaajo.

Inkastoo aan la ogeyn in sahal uu ku imaan doono Xasan Sheekh, ayaa hadana waxaa jira dedaal adag oo ay waddo Damuljadiid.

FADLAN QEYBTA HOOSE KU DHIIBO ARAGTIDAADA