Xasuus Abaartii Dabadheer 1974

-

Qaar ka mid ah dadka isticmaala baraha bulshada ayaa dib usoo nooleeyey xasuustii abaartii ku dhufatay gobolada Togdheer, Sanaag, Sool,Bari,Nugaal iyo qaar ka mid ah gobolada dhexe abaartaasi oo markii dambe caan ku noqotay “dabadheer”


XAQIIQO NEWS – MUUQAAL

Xasuusta dabadheer waxa ay timid markii dad ka soo jeeda gobolada koonfur galbeed Ee Soomaaliya oo ku noolaa magaalo madaxda Sool ee Laascaanood laga soo tarxiilay ogeysiis la’aan.

Subaxnimadii hore ee sabtida maamulka Soomaaliland ayaa qabqabtay dadka ka soo jeeda koonfur Galbeed Soomaaliya kuwaasi ku noolaa kana shaqeysan jiray magaalada Laascaanood, waxaana dadka la raafay qasab lagu saaray gawaari xamuul ah.

Wariyihii hore BBC Cabdrisaaq Catoosh ayaa boggiisa faysbuug ku baahiiyey qoraal uu ku sheegay in dadka Laascaanood laga tarxiilay qabiil ahaan iyo lahjad ahaan loo beegsaday.

Sawirro laga soo qaaday dadka laga tarxiilay Laascaanood

Qaar ka mid ah dadkii ka falceliyey sawirrada raafka ah ee la faafiyey ayaa baahiyey sawirrada abaartii dabadheer iyaga oo is weydiiyey abaalkii reer Waqooyiga loogu galay gobolada koonfureed.

Sanadihii 1973-kii, 1974-kii iyo 1975-kii waxaa qaar ka mid ah goboladii Waqooyiga Soomaaliya ku dhuftay abaar sida magaceeda ka muuqata aheyd abaartii ugu dheereyd ee inta la ogyahay ku dhufatay dalka Soomaaliya.

Dowladii kacaanka oo ka jawaabeysay mushkiladda abaarta ayaa diyaarado ku soo daabushay dadkii abaartu ku dhufatay iyaga oo dib u dejin loogu sameeyey gobolada kala ah, Shabeelaha Dhexe, Shabeelaha Hoose iyo Jubbada Dhexe, waxa ayna soo dhaweyn kala kulmeen dadkii halkaasi daganaa.

Wararka U Dambeeyey

Yurub Oo Koronto La’aan Iyo Biyo La’aan Ka Cabaneysa!

XAQIIQO NEWS- WAR IYO DHAMMAANTIIS WARKA: Xilli dagaalka Yukrayn uu afar bil jirsaday, todobaadkan Putin waxaa uu jaray tubadii ugu...

Dameerkii Ugu Cod Qurxan Ayaa Guuleysanaya!

Magaalada San Andeero ee dalka Kolombiya sanad walba waxaa lagu qabtaa tartan cajiib ah oo u gaar ah "dabaaldagga...

Hadii Aad Ku Hurudo Qol Iftiin Leh..Iska Jir Halistan Caafimaad

Albaabada iska xir, daaqadaha soo laab ka hor inta aadan isku tuurin firaashka waa talada ay bixineyso daraasad cusub...

Ikhwaanu Muslimiin Arooskooda Eeyaa La Qalaa

Waxaan ku jirnaa maalmaha "Hilba waradka(ayaamu tashriiq) ee ciida weyn ee muslimiinta, aniga oo niyadda ku haaya fadliga maalmahaas...

Daawo..Mareykanka Dabaaldagii Xoriyadda Oo Toogasho Ka Bilaabatay

Muuqaalka baraha bulshada la soo dhigay waxaa lagu arkayaa dad kala cararaya meel ay ka socotay dabaaldaga maalinta xoriyadda...

Hormuud Oo Webseetyada Turkiga Xanibtay..Waa Tan Sababta

Bankiga dhexe ee Soomaaliya ayaa ku dhawaaqay in bankiyo caalami ah xarun ka furanayaan Soomaaliya, waxaana ugu weyn bankiga...