XASUUS:Muqtar Roobow Nolol iyo Geeri Labadan Arin dad badan ayaa ku xasuusan Doona

La Wadaag Asxaabtaada

Wadaadkii hore ee mayalka adgaa sheikh Robow oo hadda ah maxbuus dowladu isku soo dhiibay ayaa ka mid ahaa dadka fara ku tiriska ahaa Alshabaab soo maray islamarkaana ka soo dagaalamay Afghanistan.

Robow ayaa ka sheegeyey qaabkii uu ku tagay afghanistan isagoo yiri”wax ay aheyd galabnimo waxaa ii yimid macalin Adan(Aadan Ceyrow) waxaa uuna ii sheegay in uu ii haayo Leen afghanistan ah galabtaasi farxadda aan farxay lama qiyaaso karo ilaa heer waxaan gaaray Isgoyskii aan u socday aan dhaafay oo aan is argay anigoo 3 isgoys jaray ileen qalbikeygu farxad ayuu la maqnaa”

Sidoo kale Roobow oo sheegeyey ayaa yiri“intii aan joogay Afghanistan waxaan nasiib u yeeshay in ay ka mid nqodo ragii fara ku tariska ahaa ee la kulmay Usama Bin laden”

Rooboq abu masnuur ayaa ugu danbeyntii markii uu Afghanistan ka soo laabtay ku biiray alshabaab waxaana intii uu alshabaab Ka tirsanaa lagu xasuustaa labo dhacdo oo iska soo horjeeda oo kala ahaa

1_Dhacdadii sii deyntii xildhibaanadii Dowladdii KMG aheyd: markii Alshabaab ay qabsadeen Dhismihii barlmaanka Baydhabo waaana Robow uu gacantiisa ku sii daayey Xildhibaano badan oo goobtu lagu qabtay arintaasi oo Alshabaab badan ka xanaaqeen waxaana ragga xilkaasi Robow uu fakiyey ka mid ahaa Xildhibaan Xaabsade waana arinta ugu weyn ee dad badan ka yaabisay.

2_ Dhacdadii Xudur: markii rag ka tirsan ciidmadiisa ay gacanta ku soo dhigeen ciidamo ka tirsan dowladda balse Roobow waxaa uu dhacdadani ula tacaamulay si ka duwan tii hore isagoo amar ku bixiyey in qalo(gowraco) ragga gacanta lagu soo dhigay iyadoo markii ragga(maxbuuska ah) la qali rabay ay ku qeyliyeen towxiidka(laa ilaah ila laah) ayaa waxaa la xasuustaa oraahdii robow ee caanka noqotay”Mar horaa la fadee”(mar hore ayaa la idinka rabay towxiidka in aad qabsataan)

si kastaba ha ahaatee dadka yaqaan Roboow waxa ay sheegeen in uu yahay nin ad-adag xiliyada qaar waloow uu yahay nin jilcan mar marka qaarkood arintaasi oo ah sifada dadka hogaaminta ku wanaagsan

FADLAN QEYBTA HOOSE KU DHIIBO ARAGTIDAADA
La Wadaag Asxaabtaada