Xeeladdan Sameey Lacagta ayaa Ku Soo Raadin Doonto!

La Wadaag Asxaabtaada

Ilaa xad lacagtu waa muhiim, balse qofka yoolkiisa ka dhigga ugaarsiga lacagta waa uu ogaan doono in lacagta ay tahay sida “sokor biya ku milmeysa”.


Xaqiiqonews-Horumarinta Nafta

Been baan ku sheegay hadii aan ku dhaho “lacag uma baahnid”, ama hadii aan ku dhaho lacagtu waxa ay leedahay lugo oo iyada ayaa ku soo raadsan doonto.

Baahida aan u qabno in aan helno “xorriyad maaliyadeed” ayaa mar walbo nagu riixeysa in ay tallaabo horay u qaadno si aan u sii wadano safarka dheer ee “baadi goobka lacagta”, hase ahaate xalku ma ahan “baadi goob oo kaliya”, waxaad u baahantahay in aad hesho macluumaad kaa gacan sin kara baadi goobkaasi.

Sidoo Kale Aqri..Sidee Lacag Looga Sameeyaa Internet-ka Qaabab Fudud

Lacagta Ma ahan Yoolka ugu dambeeya

Ilaa xad lacagtu waa muhiim, balse qofka yoolkiisa ka dhigga ugaarsiga lacagta waa uu ogaan doono in lacagta ay tahay sida “sokor biya ku milmeysa”.

Waxaan jecelahay in aan ku weydiiyo hal xiraalahan “Maxaad ku qabaneysa hadii aad hesho lacag ka badan inta aad u baahantahay?

Ma waxaad cuni laheyd seddex waqti ka badan? mise halkii mar waxa aad xiran laheyd hal joog oo kabaha ka badan?

Waxaa jira labo nooc oo fikir ah, lacagta in aad ka dhigto yoolka aad nolasha ka leedahay? ama in aad lacagta u isticmaasho in aad ku gaarto yoolkaada nolasha- dooqa adiga ayaa leh.

Sisiladda Wareegta

Raadi lacag →shaqeyso lacag →qarash gareey lacag →wareegga soo cel celi

Waxaa aan heysanaa waqti gaaban oo nolol ah, waqtigaada ha ku bixinin in aad sameyso wax aadan jecleen adiga oo u jeedadaada ay tahay “lacag darteed”.

Badalkeeda, micno u yeel nolasha, baadi goob oo raadi waxyaabaha aad ku fiicantahay ee aad jeceshahay in aad qabato.

Sirtan Xasuusnow “hadii ay jirto wax aad ku fiicantahay, dadkuna ay arintaasi ay ka war helaan, dadku qarash ayey kugu bixin doona, ogow markaasi adiga lacag ma raadin, lacagta ayaa ku soo raadisay

FADLAN QEYBTA HOOSE KU DHIIBO ARAGTIDAADA
La Wadaag Asxaabtaada