SAYNISXiddigiska: Ramadaanka Sanadkan Waa 29 Maalin Ciiduna Waa Jicmo

Xiddigiska: Ramadaanka Sanadkan Waa 29 Maalin Ciiduna Waa Jicmo

-

Dr. Hatem Odeh, oo ah madaxa Machadka Qaran ee Xiddigiska iyo Geophysics-ka  ee Masar, ayaa sheegay in xisaabinta ay sameeyeen aqoon-yahano iyo cilmi-baarisyaasha ay xaqiijineyso in bisha Ramadaani ay noqon doonto 29 maalmood, sidoo kale waxa ay sheegeen in bisha Shawwal dhalan doonto 9:00 p.m. waqtiga Maxaliga ah ee Qaaahira oo ah Maalin ka hor maalinta  aragtida caadiga ah lagu arkayo, maalintaasi oo ku beegan 13 Juun, waxaana si dhab ah isha caadiga ah loogu arki doonaa galabta khamiista iyadoo bisha ay ka sii muuqan doonto cirka Qaahira muddo 44 daqiiqo ah qoraxda ka dib, sidaa darteed bilashada Bisha shawaal ee sanadkan 1438H ayaa ah 15 Juun maalin jimco ah inshaa alaah.

Waxa uu ku sheegay wareysi gaar ah oo uu siiyey hay’adda Middle East News – in bisha Ramadan ay soo gaartay Qaahira talaadadii saacaddu markay aheyd 5:40 Daqiiqo oo subaxnimo , waxeyna xilligaa bisha mareysay mid ka mid ah wajiyadeedii ugu dambeeyey ee bilasha caadiga ka hor, gaar ahaan heer dayaxeedka loo  yaqaan quadrature(dibad).

Dayaxu ayaa waxa uu maraa ilaa 7 waji ama heer  oo uu is badal ku dhaco qaabkiisa, waxaa uuna ka soo bilowdaa heerka goobada furan, isagoo ugu dambeyn isku badalo goobo dhameystiran, maraxaladahan waxaa ka dhasha waxa loo yaqaan wareegga dayaxa ee aduunka oo dhan.

Wararka U Dambeeyey

Qadar Oo Ka Niyad Jabsan Sida Mareykanka Uga Aamusanyahay Dalabkeedii Beeca Diyaaraha

Sida ay daabacday majaladda "Wall Street Journal" ee Ameerikaanka ah dowladda yar ee gacan carbeed dhacda Qadar ayaa ka...

Falanqeyn..Icj Waxa Ay Sameysay Xal Mise Xaq

Maxakmadda cadaaladda QM ayaa go'aan ka soo saartay muran badeedka Soomaaliya iyo Kenya, go'aanka Maxkmadda ayaana ahaa mid...

Maxaa Dhici Kara Go’aanka Icj Ka Dib?

Sida balantu tahay go'aanka maxkamadda Icj ee ku saabsan muran Somaaliya iyo Kenya ayaa lagu dhawaaqi doonaa maalinta taladaada...

Imaaraatka Oo Iktishaaf Cusub Ku Sameeyey Meeraha Mars

Madax sare oo ka tirsan dowladda Imaaraatka ayaa baraha bulshada ku baahiyey iktishaafaat cusub oo Misbaarka Rajada ee Imaaraatka...

Safiirka Sacuudiga Ee Soomaaliya Waa Soomaali!

Dowladda Sacuudiga ayaa safiirkeeda Soomaaliya u magacaawday Axmed Maxamed Oo ka mid ahaa muwaadiniinta Soomaaliyeed Ee Sacuudiga ku nool. XAQIIQO...

Maxaa Keenay In Waqtigan Radio Muqdisho Af-Taliyaani Lagu Baahiyo?

Markii ugu horeysay muddo sano ka dib, idaacadda dowladda ay leedahay ee Radio Muqdisho ayaa lagu tabin doonaa af-Taliyaani...