Xiddigiska..Waa Tan Maalinka Koowaad Ee Ciidul Fidriga

La Wadaag Asxaabtaada

Mulhim Hindi oo ka tirsan hay’adda xiddigiska carbeed ayaa sheegay in maalinka koowaad ee Ciidda ay tahay maalinta khamiista ah ee 13 June.


XAQIIQO NEWS- XIDDIGISKA

Isaga oo la hadlaayey webseetka “Alcarabiya net” ee Sacuudiga laga leeyahay waxa uu carabka ku dhuftray in inta ugu badan wadamada bisha Shawaal ay bilan doonto galabnimo talaado ah 29 Ramadaan oo ku beegnaan doonto 11 June.

Waxaa uu intaasi ku daray in aysan macquul aheyn in bisha la arko habeenkaas, sidaa awgeed si waafaqsan shareecada islaamka dadka waxa ay soomi doonaan arabcada oo ay u buuxsami doonto 30-ka.

Sida Xaqiiqonews ay ka soo xigatay wakaaladaha xiddigiska, Ciidul Fidriga ayaa bilaabaneysa maalinta khamiista oo ku beegan 13-ka June 2021.

Dhankiisa Cabdulaahi Bin Muniic oo ka tirsan hay’adda Culimada Sacuudiga waxa uu sheegay in Ramadaankan uu buuxsan doono 30-kiisa maalmood, waxa uuna carabka ku adkeeyey in muslimiinta ay soomi doonaan arbcada madaama habeenka talaadada sii baxeysa aysan macquul aheyn in bisha la arko.

FADLAN QEYBTA HOOSE KU DHIIBO ARAGTIDAADA
La Wadaag Asxaabtaada