Xisaabaadka xiddigiska waxa ay sheegayaan in sanadka 1443-H oo ku aadan 2022 maalinta koowaad ee ciidul fidriga waxa ay noqoneysaa maalinta isniinta 2-da May 2022.
XAQIIQO NEWS- XIDDIGISKA
Waxa ay tilmaamayaan xisaabaadka xiddigiska in bisha Shawaal ay bilan doonto galabnimada sabtida ah hase ahaatee suurtagal ma ahan in la arko bisha qorax dhaca ka dib taasi oo maalinta xigta ee axadda ka dhigeysa maalin soon ah.
Machadka Cimi baarisyada xiddigiska ee Masar waxa uu sheegay in bisha shawaal ay bilan doonto galbnimada sabtida saacadda maxaligga ah ee qaahira marka ay tahay 10:28 pm fiidnimo taasi oo mustaxiil ka dhigeysa in bisha la arko qorax dhaca ka dib galabta sabtida.
Sidaa darteed maalinta axadda ah waxa uu dhameytir u noqon doonaa soonka- sida ay sheegaayo machadka.
Inta badan dowladaha muslimka ah ee soonka soo bilaabay 2-da Abriil oo ay Soomaaliya ku jirta waxaa la filayaa in maalinta fasaxa ee bilowga bisha shawaal ay noqon doonto maalinta isniinta ah oo ku aadan 02-da May 2022.