Xiddigyahan Iclaamiyey Maalinka Koowaad Ee Ciidul Fidriga

-

Baare xiddigyahan reer sacuudi ah, oo lagu magacaabo Mulhim bin Mohamed Hindi ayaa shaacisay in jimcda 23 May 2020, ay noqon doonto maalinka koowaad ee ciidul-fidriga inta ugu badan dalalka islaamka.


Xaqiiqonews-Xiddigiska

Hindi oo ah xubin ka tirsan ururka midowga carbeed ee xiddigiska iyo cirka, ayaa sheegay in xisaabaadka xiddigiska ay tilmaamayaan in bisha shawal ee sanadkani ay bilan doonto saacadda 08:09, galabnimo waqtiga sacuudiga, taasi oo ka dhigan marka qoraxda dhacdo dhamaan gobolada Sacuudiga.

Waxaa uu intaasi ku daray “marka la fiiriyo xaaladaha bisha ee galabtaasi, in toos loo arko wey adagtahay, sharci ahaan aragtida bisha waxa la rabaa in ay noqoto maqribka, laakin xilligaasi bisha hawada laguma arkaayo”.

Dadka muslimiinta ayaa bilaaba raadinta bisha habeenka soddonaad, markaasi oo hadii la waayo bisha dadku ay soomayaan si loo dhameystiro soddonka maalmood.

Halkan Riix Si Aad U Aragto Wararka Muhiimka Ah ee Bogga Hore

Wararka U Dambeeyey

Jeesow Oo Sheegay In Qabiil Noqon Doonta Hadii La Isku Tuurtuura Dilka Ikraan Tahliil

Xildhibaan Daahir Amiin Jeesow ayaa si carro leh uga hadlay arinta Ikraan Tahliil, waxaa uuna ku celiyey in Ikraan...

Fahad Yaasiin Oo Si Aan La Dareemin U Qirtay Dilkii Ikraan Tahliil !

WARKA: Eedeysanihii ugu weynaa ee loo heystay dilka Ikraan Tahiil Fahad Yaasiin ayaa markii ugu horeysay si bablik ah...

Shiikh Sheegay In Israa’iil Ay Jinni U Isticmaasho Basaasidda Iiraan!

Xujutul-Islaam Naqiya Buurfar oo ah wadaad diimeed ahna ustaad jaamacadeed ayaa Tilifishinka Iiiraan ka sheegay in Israa'iil ay adeegsato...

Maxaa La Sameeyaa Markii Aadan Lacag Heysan?

in aad dareento baahi lacageed waa mushkilad caalami ah waana arin caadi oo dadka oo dhan ku dhacda ugu...

Muxuu Qirtay Muxuuse Inkiray Yaasiin Fareey

WARKA: Wareysi socday wax ka badan nus saac oo si bablik ah loo shaaciyey ayuu Yaasiin Fareey kaga hadlay...

RW Israa’iil Biniit Oo Yiri Waxaan Ku Dhownahay Burbur!

Ra'iisal wasaaraha Israa'iil Naftaali Biniit ayaa niyad xumo ka muujiyey mustaqbalka Yahuudda,waqti dalkaasi uu wajahaayo kala qeybsanaan baahsan oo...