Xildhibaan Cashara Oo Saadaaliyey Arrin uu Ka shakisanyahay Ra’iisul Wasaare Kheyre

-

Xildhibaan hore Cawad Axmed Cashara oo ku sugan dalka dibaddiisa ayaa isaga waxa uu rajo aad u wanaagsna ka muujiyey in Ra’iisul wasaare Xasan Cali Kheyre uu kalsoonida ka helo xildhibaannada golaha shacabka.
Waxa uu sheegay Cashara in Ra’iisul wasaaraha uu soo magacaabay Madaxweyne Farmaajo oo haysta kalsooni shacab, sidaasi darteedna ay macquul tahay in arrintaasi lagu meelmariyo waa sida uu hadalka u dhigaye.
“Waxaa muuqata in Ra’iisul wasaaraha kalsoonida uu heli doono, sababta ugu weyn ayaa ah madaxweynaha ayaa kalsooni ballaaran umadda Soomaaliyeed ku leh, waxay taasi keeneysaa in Ra’iisul wasaaraha oo hadda dhaliil loo hayn iney ku meel mariyaan”
Dhanka kale Mr. Cashara ayaa sheegay in xukuumadda uu soo dhisi doono Ra’iisul wasaaraha ay hortaallo shaqo adag oo u baahan in wax laga qabto sida amniga, dhaqaalaha dalka iyo arrimo kale.
“Caqabado badan ayaa jira oo Ra’iisul wasaaraha isna laga sugayo inuu ka tallaabsado oo xagga amniga, siyaasadda, dhaqaalaha iyo arrinta berbera ay ku jirto” ayuu yiri xildhibaan hore Cawad Axmed Cashara.
Sidoo kale xildhibaan hore Cawad Axmed Cashara ayaa ku taliyey in xildhibaannada baarlamaanka aan lagu soo dari golaha wasiirada cusub ee la dhisayo si shaqooyinka ay u kala saarnaadaan.
“Dalka markii uu dhaqaalihiisa yar yahay ma wanaagsana in qof Labo xil isku qabto, qofka baarlamaanka ku jiro waxaa haboon inuu waayo wasiir, waxaa wanaagsan in baarlamaanka lahorgeeyo inuu ansixiyo in nin baarlamaanka ku jiro aanu wasiir noqon, haddii uu noqonayana uu kursiga baarlamaanka ka tago, jagooyinka wey yar yihiin, waxaa wanaagsan in dad qibrad u leh, aqoon leh oo aan lacag rabin in ay wasiiro noqdaa, waxaan u baahannahay wasiiro dalka iyo dadka daacad u ah”
Ugu Dambeyn Xildhibaan Hore Cawad Axmed Cashara ayaa soo hadal qaaday abaarta dalka ka jirta iyo sidoo kale doorka dowladda cusub looga baahan yahay iney ka qaadato dib u heshiisiinta.
“Dib u heshiisinta waa arrin culus oo loo baahan yahay in la galo, waxay leeyihiin kala hormarsiin, waxay u baahan tahay dhulalka qaar sida Shabellooyinka waxbaa ka dhaca, dib u heshiis waa loo baahan yahay, dhanka kalena abaar baahsan baa dalka ka jirta, arrintaasi waa mid culus, Ra’iisul wasaaraha iyo wasiirada uu keenayo in gacan lagu siiyo waayo, waa in dowladda ay talaabo qaaddo si lacag looga soo uruuriyo dadka dibadda jooga oo lacag la saaro oo bil walbo ay bixiyaan kuna dhacdo gacanta dowladda o si ammaan ah loo bixiyo”
Xildhibaannada golaha shacabka ayaa maanta oo Arbaco ah waxaa la filayaa in codka kalsoonida ah ay u qaadaan Ra’iisul waaare Xasan Cali Kheyre.

Wararka U Dambeeyey

Yurub Oo Koronto La’aan Iyo Biyo La’aan Ka Cabaneysa!

XAQIIQO NEWS- WAR IYO DHAMMAANTIIS WARKA: Xilli dagaalka Yukrayn uu afar bil jirsaday, todobaadkan Putin waxaa uu jaray tubadii ugu...

Dameerkii Ugu Cod Qurxan Ayaa Guuleysanaya!

Magaalada San Andeero ee dalka Kolombiya sanad walba waxaa lagu qabtaa tartan cajiib ah oo u gaar ah "dabaaldagga...

Hadii Aad Ku Hurudo Qol Iftiin Leh..Iska Jir Halistan Caafimaad

Albaabada iska xir, daaqadaha soo laab ka hor inta aadan isku tuurin firaashka waa talada ay bixineyso daraasad cusub...

Ikhwaanu Muslimiin Arooskooda Eeyaa La Qalaa

Waxaan ku jirnaa maalmaha "Hilba waradka(ayaamu tashriiq) ee ciida weyn ee muslimiinta, aniga oo niyadda ku haaya fadliga maalmahaas...

Daawo..Mareykanka Dabaaldagii Xoriyadda Oo Toogasho Ka Bilaabatay

Muuqaalka baraha bulshada la soo dhigay waxaa lagu arkayaa dad kala cararaya meel ay ka socotay dabaaldaga maalinta xoriyadda...

Hormuud Oo Webseetyada Turkiga Xanibtay..Waa Tan Sababta

Bankiga dhexe ee Soomaaliya ayaa ku dhawaaqay in bankiyo caalami ah xarun ka furanayaan Soomaaliya, waxaana ugu weyn bankiga...