Xildhibaan Dahir Amiin Jeesow ayaa sheegay in cabashada ay sameynayaan Ciidamada xoogga dalka ay tahay mid gar ah, maadaama aysan mushaar helin.
Xildhibaan Jeesow ayaa sheegay in sharciyada uu soo saaray Baarlamaanka uu mudnaanta koowaad siiyay mushaarka ciidamada, markii la dejinayay Miisaaniyadda.
“Cabashada ay sameynayaan ciidamada waa wax gar ah, mar hadii aysan heleyn mushaarkooda, ciidankan aad arkeysaan ee dhibaatada heysata, xaasas iyo carruur ayay leeyihiin, mushaar ma qaataan, waa in mushaarkooda helaan”ayuu yiri Dahir Amiin Jeesow.
Waxaa uu sheegay in dalkan waxa uu u u bur buray ay tahay xaq-darada iyo in aan dadka xuquuqdooda la siineyn, waxaana uu ku baaqay in ciidanka la siiyo mushaarkii ay xaqa u lahaayeen.
“Askari difaac ku jira, oo cadawga hor-fadhiya, qabowga habeenkii u dhacaya oo aan mushaar heleyn xaq ma ahan, dalkan waxa uu u bur buray waa xaq darada”ayuu yiri Dahir Amiin Jeesow.
waxaa dhawaan Ciidamo ka tirsan Milateriga ay sameeyeen gadood cabasho ah, kaddib markii muddo bilooyin ah aanay qaadan wax mushaar ah.
Si kastaba ha ahaatee, Taliska Ciidamada xoogga dalka ayaa ku soo baxday fadeexad ah in mushaarkii ciidamo gaaraya illaa 3,500 oo isugu jira ciidamo Milateri, ciidanka badda, cirka u wareejiyay deegaanada Puntland, halkaasoo magacooda ay mushaar ku qaadanayeen ciidamo kale.