Xildhibaan Dhalxa oo ku jeesjeesay farmaajo”dagaalka uu farmaajo iclaameyey waa sida aroos la iclaamyey “

La Wadaag Asxaabtaada

[google_ad data_ad_slot=” data_ad_format=’rectangle’]
Xilli ammaanka magaalada Muqdisho uu faraha kasii baxayo ayna ciidamada Xarakada Al Shabaab sare uqaadeen weerarada ka dhanka ah madaxda dowladda Federaalka ayay xildhibaano Baarlamaan walaac ballaaran ka Muujiyeen xaaladda ammaan.

Xildhibaan Max’med Cumar Dalxa oo kamid ah Baarlamaanka Dowladda Federaalka ayaa dhaliil kulul ujeediyay tallaabadii uu Farmaajo dagaalka ugu iclaamiyay Al Shabaab.

Wuxuu Sheegay in Farmaajo oo ku degdegay dagaal uusan aqoon durugsan ulaheyn isagoona wax lala yaabo ku tilmaamay dagaalkii uu Farmaajo seerigiisa yeeriyay.

Max’med Cumar Dalxa ayaa tallaabada madaxweynaha la meel dhigay aroos la iclaamiyay kadibna durmar farabadan isugusoo aruureen goobta arooska isagoo ula jeedo in alshabab o dagaal loo iclaamiyaa ay la mid tahay dumar aroos loo iclaamiyey ! “Dowladdu sidii Aroos oo kale ayay dahaalka udigtay waxaaba la moodaa in ay dhahday kaalaya oo nasoo weerara”ayuu yiri Dalxa.

Xildhibaanka katirsan DF-ka ayaa meesha ka saaray wararka madaxda dowladda Federaalka ee ah in Al Shabaab la wiiqay islamarkaana laga hortagayo weeraradeeda “Al-Shabaab Ma Ahan Dad Wax Looga Qaadi Karo Hanjabaad Iyo Tuute La Xirto” ayuu yiri Dalxa.

Daahir Amiin Jeesoow oo ah xildhibaan Baarlamaan ayaa Farmaajo ku eedeeyay in uu qaraxyo iyo dhimasho u horseeday askarta iyo saraakiisha DF-ka.

Qeylla dhaantan ka imaanaya saraakiisha DF-ka ayaa imaanaya xilli 7 maalmood laga joogo markii uu madaxweynaha dowladda Federaalka uu 60 maalmood uqabta askarta iyo saraakiisha Al Shabaab in ay iskusoo dhiibaan islamarkaana uu dagaal ku iclaamiyay.
HALKAN KA DHGEYSO WAREYSIGA XILDHIBAAN DALXA
[google_ad data_ad_slot=” data_ad_format=’auto’]

FADLAN QEYBTA HOOSE KU DHIIBO ARAGTIDAADA
Like
Like Love Haha Wow Sad Angry
La Wadaag Asxaabtaada