Xildhibaan ka tirsaan golaha aqalka sare oo geeriyooday” magaca”

La Wadaag Asxaabtaada

[google_ad data_ad_slot=” data_ad_format=’auto’]

Magaalada Muqdisho waxaa habeenkii xalay ahaa ku geeriyoodey xildhibaan Saciid Xasan Geeddi oo kamid ahaa xildhibannada golaha shacabka ee baarlamaanka Federaalka ah.

Xoghayaha baarlamaanka Federaalka C/kariin Xaaji Cabdi Buux ayaa xaqiijiyey geerida xildhibaanka, waxaana uu sheegay in mudanaha uu ku xanuunsanayey mid kamid ah isbitaallada ku yaalla magaalada Muqdisho.

Xildhibaankan ayaa kamid ahaa mudanayaasha baarlamaanka ee laga soo doortey deegaannada maamulka Somaliland.

Mudane geeriyoodey ayaa ahaa xildhibaankii kaliya ee ka maqnaa doorashadii madaxweynaha dowladda Federaalka ee 8-dii bishan ka dhacday magaalada Muqdisho kadib xanuun soo wajahay.

Waana xildhibaankii labaad ee geeriyooda oo ka tirsan xildhibaanada cusub iyadoo horay magaalada garowe oo ku geeriyooday xildhibaan ka mid ah kuwa  laga soo dooortay puntland

[google_ad data_ad_slot=” data_ad_format=’auto’]

FADLAN QEYBTA HOOSE KU DHIIBO ARAGTIDAADA
La Wadaag Asxaabtaada