Alexandria Ocasio-Cortez oo ah xildhibaan ka tirsan xildhibanaada xisbiga Dimuqaraadiga ee Mareykanka, ayaa soo qaadatay warka saynisyahanada ee ah in dunida ay ku dhamaan doonto 12 sano gudahood hadii aan wax laga qaban is badalka cimilada.
Xaqiiqonews.com-wararka
Ocasio-Cortez ayaa tiri “dunida waxa ay ku dhamaan doontaa 12 sano gudahood, hadii aan la fulin xeerarka ilaalinta cimilada” iyada oo dhaleeceysay maamulka Mareykanka iyo go,aanadii ay ka qaateen arintan.
Ocasio-Cortez ayaa weerar afka ah ku qaatay hantiilayaasha Mareykanka ee lacagtooda gaartay balaayiin doolar xilli malaayiin Mareykan ah ay la tacaalayaan noolasha aasaasiga ah, iyadoo ku tilmaamtay arinkaasi mid “akhlaaqdarro ah”.
-Cortez ayaa warkeeda ku soo gabagabeysay ” waxaan aaminsanahay in ay qalad tahay in aad shaqeyso 100 saac, islamarkaana lacagta aad heshaa aysan dabooli karin baahida qoyskaada”