Xildhibaan U Ooyey In Loo Codeeyo Oo Xilkii Helay

La Wadaag Asxaabtaada

Maxamed Abiib oo ka mid ah musharixiintaa u taagnaa golaha wakiilada Somaliland ayaa xilkaasi ku soo baxay, Abiib ayaa lagu xasuustaa khudbadiisii ololaha oo ku bilaabatay oohin kuna soo dhammaatay oohin.


XAQIIQO NEWS- WARARKA GUDAHA

Arinta cajiibka ma ahan in Abiib oo ka sharaxnaa gobolka Awdal uu ku guuleystay kursigaa uu u tagnaa, arinta la yaabka leh waxa aheyd khudbadii Abiib oo ka duwaneyd khudbadihii musharaxiinta kale.

Khudbadiisa waxa ku bilaabay oohin, oohin ayuu ka hadli waayey, waxa uuna ku soo khatimay oohin.

Sidoo Kale Aqri: Daawo..Tv-ga Qaranka Oo Ka Soo Dhax Hadlaya Somaliland!

Abiib kuma khasaarin oohintiisa, codad badan ayuuna helay, taasi oo maanta ka dhigtay xubin baarlamaanka ka mid ah.

Maxaa Ka Socda Somaliland?

Intiina wararka la socoto, waxa aad maqasheen doorashooyinka wakiilada iyo kuwa deegaanka kuwaasi oo lagu soo gaba gabeeyey deegaanada Somaliland.

Waxaana wili socda tirinta codadka ee gobolada qaar, iyadoo la filaayo in maalmaha soo socda si dhameystiran natiijada loo shaaciyo.

FADLAN QEYBTA HOOSE KU DHIIBO ARAGTIDAADA
La Wadaag Asxaabtaada