xildhibaanaad lagu eedeeyey in ay seddex nin hal mar guursatay oo hadashay#maxey tiri

-

Xildhibaanad Huda Axmed Cali oo kamid ah mudanayaasha barlamaanka Soomaaliya ayaa dhawaan la sheegay iney hal mar isla guursatay sedex xildhibaan, warkaas oo ahaa mid dad badan ka yaabiyay.
Hase ahaatee Xildhibaanadda oo saxaafada la hadashay markeedii ugu horeeyay ayaa beenisay warkaas iyadoo sheegtay in boqorka beesha ay kasoo jeeda uu ka dambeeyay in arintaas uu ku ceebeysto.
Xildhibaanad Huda oo dhibane u ah qaar kamid ah saxaafadda iyo dadka isticmaala baraha bulshada ayaa sheegtay iney aad uga xun tahay in boqorka beesheeda uu doonayay inuu ku ciyaaro nolosheeda isla markaana uu ka faafiyo xumaan uu alla reebay.
Waxaa ay sheegtay in sababta uu fadeexadaas usameynayo ay tahay inuu doonayo inuu kursigaas iyada ka tuuro oo uu ka gato dad kale sida ay hadalka udhigtay.
Xildhibaanad Hudda ayaa tilmaamay iney marar badan isku dayday iney la hadasho Boqorka beesheeda laakiin uu diiday inu joojiyo ceebta iyo fadeexada uu ku hayo.

Facebook Notice for EU! You need to login to view and post FB Comments!

Wararka U Dambeeyey

Cilmi Baaris..Dhimashada Ka Dib Ishu 5 Saac Ayey Wax Sii Arki Kartaa!

Baaris lagu sameeyey indhaha dad dhintay oo horay xubnahooda ugu deeqay in cilmi baaris lagu sameeyo ayaa waxaa lagu...

Waa Kan Cudurkii Uu U Dhintay Xaakimka Imaaraatka SH. Khalifa Bin Zaayed

Waxaa geeriyooday Madaxweyihii Imaaraatka carabta Shiikh Khalifa Bin Zayed Aala Nahyaan oo ahaa 73 jir, sida ay shaacisay Wakaaladda...

Mar Hadey Doorasho Tahay Qof Walba In Uu Soo Baxo Filo

Qof walbo waxa uu filayaa soo bixitaanka musharixiisa uu jecelyahay, balse waxaan la iska indha tiri karin mar hadii...

Ruushka Oo Sheegay In 30 Daqiiqo Kaliya U Baahanyahay Si Uu U Burburiyo Dowladaha NATO!

Maamulaha wakaaladda hawada sare u qaabilsan Ruushka ninka lagu magacaabo Dmitry Rogozin ayaa sheegay in dalkiisa u baahanyahay oo...

Doorashada 15-ka May..Maxaa Ugu Muhiimsan?

XAQIIQO NEWS- WAR IYO DHAMMAANTIIS WARKA:15-ka bishan aynu ku jirno ee May, waxaa lagu wadaa in la qabto doorashada aadka...

3 Weedh La Dhibsado Oo Ay Tahay In Aad Iska Ilaaliso Marka Aad La Kulmeysa dadka

Waxaa kale oo loogu yeeri karaa "kalmadaha isticmaalka laga badiyey" ama erayo kale hadii aan ku sheegno "nahdii ayaa...