XILDHIBAAN:bootaan oo u dhintay dhaawac ka soo gaaray qaraxii ka dhacay……..

La Wadaag Asxaabtaada

Xildhibaan C/qaadir Faarax Bootaan oo katirsanaa Baarlamaanka maamulka’Puntland’ ayaa ku dhintay isbitaal kuyaal magaalada Nairobi ee dalka Kenya.

Bootaan oo sideeddii bishaan maarso ku dhaawacmay qarax lagula eegtay magaalada Gaalkacyo ee xarunta gobolka Mudug ayaa u dhintay dhaawac culus oo kasoo gaaray qaraxaasi.

Guddoomiyaha baarlamaanka maamulka ‘Puntland’ ayaa warbaahinta u xaqiijiyay geerida C/qaadir Faarax Bootaan.

Xarakada Al Shababaab ayaa horay u sheegatay mas’uuliyadda qaraxa lagu dhaawacay Bootaan oo sidoo kale ayaa madaxii guddiga difaaca gobolka Mudug.

Waa xildhibaankii ugu horreeyay ee sanadkaan lagu dilo gudaha dalka Soomaaliya, Al Shabaab ayaa horay ugu goodisay in ay sare uqaadayso dilalka ka dhanka ah saraakiisha DF-ka iyo maamul goboleedyada wada shaqeynta laleh dowladda xabashida Itoobiya.

FADLAN QEYBTA HOOSE KU DHIIBO ARAGTIDAADA
La Wadaag Asxaabtaada