Xildhibaano diidan Qaabkii Degmooyinka Gobolka Benaadir Loo Magacaabay Oo ku dhaqaa…

-

Waxaa soo baxaaya warar lagu kalsoon yahay oo sheegaya in Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Tabit Cabdi uu qaati ka taagan yahay Xildhibaano ka tirsan baarlamaanka Somalia.

Xildhibaanadani oo Seddexdii maalin ee ugu danbeysay ku sugnaa Xarunta maamulka Gobolka Banaadir ayaa cabasho ka muujinaaya hanaanka maamulka uu u qeybiyay Degmooyinka.

Xildhibaanada qaar ayaa dadaal ku bixinaaya in wax laga bedelo degmooyinka qaar, halka qaarna ay soo jeedinayaan in Degmadooda loo magacaabo shaqsiga ay iyaga wataan.

Xildhibaanada qaar ayaa aad u dhaliilsan Guddoomiyayaasha uu magacaabay Tabit Cabdi kuwaa oo lagu eedeeyay inaysan aqoon u laheyn howsha ay hayaan.

Xildhibaanada ayaa dalbanaaya in Guddoomiyaha Gobolka Tabit uu la imaado dib u daraaseyn waxa ayna ka biya diidan yihiin ilaa afar Guddoomiye Degmo oo aan magacaabidooda munaasib aheyn xiligaani, sida ay qabaan.

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Tabit Cabdi, ayaa ka biya diidan inuu wax ka bedelo go’aanka magacaabida, waxa uuna tilmaamay in Wasaarada arrimaha Guddaha ay la qabto go’aanka.

Wararka U Dambeeyey

Yurub Oo Koronto La’aan Iyo Biyo La’aan Ka Cabaneysa!

XAQIIQO NEWS- WAR IYO DHAMMAANTIIS WARKA: Xilli dagaalka Yukrayn uu afar bil jirsaday, todobaadkan Putin waxaa uu jaray tubadii ugu...

Dameerkii Ugu Cod Qurxan Ayaa Guuleysanaya!

Magaalada San Andeero ee dalka Kolombiya sanad walba waxaa lagu qabtaa tartan cajiib ah oo u gaar ah "dabaaldagga...

Hadii Aad Ku Hurudo Qol Iftiin Leh..Iska Jir Halistan Caafimaad

Albaabada iska xir, daaqadaha soo laab ka hor inta aadan isku tuurin firaashka waa talada ay bixineyso daraasad cusub...

Ikhwaanu Muslimiin Arooskooda Eeyaa La Qalaa

Waxaan ku jirnaa maalmaha "Hilba waradka(ayaamu tashriiq) ee ciida weyn ee muslimiinta, aniga oo niyadda ku haaya fadliga maalmahaas...

Daawo..Mareykanka Dabaaldagii Xoriyadda Oo Toogasho Ka Bilaabatay

Muuqaalka baraha bulshada la soo dhigay waxaa lagu arkayaa dad kala cararaya meel ay ka socotay dabaaldaga maalinta xoriyadda...

Hormuud Oo Webseetyada Turkiga Xanibtay..Waa Tan Sababta

Bankiga dhexe ee Soomaaliya ayaa ku dhawaaqay in bankiyo caalami ah xarun ka furanayaan Soomaaliya, waxaana ugu weyn bankiga...