Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya kulamo gara gaar ah oo ay yeesheen qaar kamid ah xildhibaanadda barlamaanka Soomaaliya oo ay uga hadleen magacaabida wasiirada cusub ee RW Xasan Cali Kheyre.
Kulamadan ayaa lasoo sheegayaa inuu hormuud uyahay gudoomiyaha barlamaanka Prof Maxamed Sh Cismaan Jawaari kaas oo dhaliilsan qaabka loo soo xulay wasiirada cusub.
Ilo wareedyo lagu kalsoon yahay ayaa sheegaya in Prof Jawaari uusan ku faraxsaneyn go’aankii xildhibaano badan loogu soo daray wasiirada cusub, halka uu sidoo kale liiska ka waayay xubno uu filayay in isaga dartiis loo magacaabi doono.
Sababaha kale ee uu Jawaari uga soo horjeedo wasiirada cusub ayaa ah in beelaha dega Koofur Galbeed Soomaaliya ay si weyn uga cabanayaan saamiga ay ka heleen xukumadda cuusb.
Qaar kamid ah xildhibaanadda barlamaanka Soomaaliya ayaa sheegay in ku dhawaad 120 xubnood ay diyaar uyihiin iney diidaan wasiirada cusub.
Wajiyo aan ku cusbeyn siyaasada dalka ayaa ka buuxa liiska golaha wasiirada oo wax ka badan boqolkiiba 60 ay yihiin xubno katirsan barlamaanka Soomaaliya.
Si kastaba, madaxweynaha DF Soomaaliya iyo RW Xasan Cali Kheyre ayaa dadaal ugu jira in gudoonka barlamaanka ay ku qanciyaan inuu aqbalo soo magacaabidii wasiirada cusub.
25-ka bisha oo ah sabtida beri ah ayaa la filayaa in golaha wasiirada la horgeeyo barlamaanka Soomaaliya si ay codka kalsoonida ugu qaadaan