Xildhibanada Golaha shacabka ma meelmarin doonaan miisaaniyada 2018( xog)

-

Xildhibaanada Golaha shacabka ee Baarlamaanka Federaalka ah ee Soomaaliya ayaa maanta kulan ka leh miisaaniyadda sanadka 2018, kaasoo dhowaan loo soo gudbiyay, kaddib markii ay ansixiyeen Golaha wasiirada.

Miisaaniyadda sanadkan 2018 ayaa ka badan tii sanadkii hore, waxaana lagu kordhiyay 14-milyan oo dollar, sanadkii hore ayay aheyd 260 milyan, halka sanadkan ay tahay 274 milyan.

Guddiga Maaliyadda Baarlamaanka ayaa soo akhriyay miisaaniyadan iyo qaababka lagu saleeyay, iyadoo la qabtay dood dadweyne oo lagu faah faahinayay miisaaniyaddan.

Xildhibaanada ayaa maanta akhrinta labaad marinaya miisaaniyadda sanadka 2018, iyadoo kaddib dood adag ka yeelanaya.

Waxaa lagu wadaa dooda kadib in Xildhibaanada golaha shacabka ay cod u qaadaan miisaaniyadda si loo ansixiyo, waxaana qorshuhu yahay in miisaaniyadda la ansixiyo ka hor inta aan kulamada baarlamaanka la soo xirin 16-ka bishan.

Wararka U Dambeeyey

Yurub Oo Koronto La’aan Iyo Biyo La’aan Ka Cabaneysa!

XAQIIQO NEWS- WAR IYO DHAMMAANTIIS WARKA: Xilli dagaalka Yukrayn uu afar bil jirsaday, todobaadkan Putin waxaa uu jaray tubadii ugu...

Dameerkii Ugu Cod Qurxan Ayaa Guuleysanaya!

Magaalada San Andeero ee dalka Kolombiya sanad walba waxaa lagu qabtaa tartan cajiib ah oo u gaar ah "dabaaldagga...

Hadii Aad Ku Hurudo Qol Iftiin Leh..Iska Jir Halistan Caafimaad

Albaabada iska xir, daaqadaha soo laab ka hor inta aadan isku tuurin firaashka waa talada ay bixineyso daraasad cusub...

Ikhwaanu Muslimiin Arooskooda Eeyaa La Qalaa

Waxaan ku jirnaa maalmaha "Hilba waradka(ayaamu tashriiq) ee ciida weyn ee muslimiinta, aniga oo niyadda ku haaya fadliga maalmahaas...

Daawo..Mareykanka Dabaaldagii Xoriyadda Oo Toogasho Ka Bilaabatay

Muuqaalka baraha bulshada la soo dhigay waxaa lagu arkayaa dad kala cararaya meel ay ka socotay dabaaldaga maalinta xoriyadda...

Hormuud Oo Webseetyada Turkiga Xanibtay..Waa Tan Sababta

Bankiga dhexe ee Soomaaliya ayaa ku dhawaaqay in bankiyo caalami ah xarun ka furanayaan Soomaaliya, waxaana ugu weyn bankiga...