Xilka Ayaa Laga Qaaday Ra’iisal Wasaarihii Qaran Dumiska Ahaa!!!

-

Muddo sanado ah oo aan facebook ku arkaayey taageerayaasha N&N, hadii ay ahaan lahaayeen madaxda doodaha ka qeybgasha, kuwa facebook wax ku qora ama wax loogo yeero Cayayaanka Baraha Bulshada (CBB), Hubka kaliya ay u isticmaalan mucaradka waxa uu ahaa erayga “qaran dumis”.


Xaqiiqonews-Wararka Gudaha

Teegeernimada ma ahan wa xun, waxaase jirta xirfad la’aanta taageerayaasha in ay ka dhalatay labo arin oo kala daran:

Kowaad: waxaa la fududeystay muhiimadda ay leedahay mucaaradnimada, waxaa kale oo la yareystay xaqa ay u leeyihiin in ay mucaarad noqdaan, waana arin keentay in labada dhinac cadow isku arkaan.

Labaad: in la kala saari waayo shaqsi iyo dal, dad badan ayaana aaminay in madaxweynaha ama qofka xilka ugu sareeya dalka uu yahay biya kama dhibcaan, halka dadka kalane ay yihiin kuwa laga ilaalinaayo in ay dalka burburiyaan.

Dulucda, markii xilka laga qaaday Kheyre dadku siyaabo kal duwan ayey u fasirteen, arinta sida gaarka ah ii soo jiidatay waxa ay aheyd qaar ka mid ah taageerayaasha N&N, oo la soo baxay seeftii caanka aheyd ee “qaran dumis”.

Sidoo Kale Aqri..Yaa Ku Faa’idaya Xil Ka Qaadista Kheyre?

Anigu ma ihi qareen, kama xanaaqsani lamana dhacsani xil ka qaadis,balse qoraalkani waxa aan u qorayaa si aanan meel looga dhici karaamada dalka ,si aysan dadku ugu maleynin in dalka la sheegayaba uu yahay Farmaajo.

Hunu Hunuu Hadal Ma Ahan

Muddo sanado ah ma arkin kalimad cusub, iyo weero faa’ido leh, taageerayaasha waxa ay had iyo jeer ku celceliyaan isla erayadii ay isticmaali jireen, ilaa aan soo xasuustay erayadii abwaan Cali Sugale, codkii mama Khadiijo Cabdulaahi Daleysi iyo heestii Hunu Hunuu Hadal Ma Ahan Himbirirsii arag Ma ahan.

Waa run wey jiraan qaran dumis, laakiin xasuusnaada qaabka aad wax u mucaaradeysaan waa mid liidaya horusocodka dalka, waana mid wax u dhimeysa quruxda fikir kala duwanaashaha.

Taageernimadu ha waarto, mucaaradnimadana ha guuleysato.

Wararka U Dambeeyey

Calaamado Soo Muuqan Kara Bil Ka Hor Wadno Xanuunka

Dr. Satir Zhijian, oo ah dhaqtar wadanaha ayaa tilmaamay in calool xanuunka iyo dhabar xanuunka ay noqon karaan calaamado...

Xarun Sayniska Iyo Tiknoolajiyadda U Gaar Ah Oo Muqdisho Lagu Dhagax Dhigay

Jaamacadda SIMAD oo caan ku aheyd aqoonta ganacsiga iyo xisaabaadka ayaa dhawaan daah furtay xarun cusub oo u gaar...

Xog..Jabuuti Oo Soo Bandhigtay Darooniska Bayrakhtaar TB2

Bandhig milatari oo Jabuuti ugu dabaal dageysay sanad guurradii 45aad ee ka soo wareegtay markii ay xornimada ka qaateen...

Nin Xaaskiiska U Dilay Maxaad Gabar Uurka Ugu Sidaa !

Arin argagax leh ayaa laga soo sheegay Masar, nin inta xaaskiisa dilay ka dibna meydkeeda gubay kuna aasay meel...

Xasan Iyo Xamze: Maxay Qaban Karaan Maxaase Dhici Karin?

WARKA: Barlamaanka Soomaaliya ayaa maanta codka kalsoonida siiyey si aqlabiyad buuxda ah RW cusub Xamza Cabdi Barre, haddaba su'aasha...

Jeesow Oo Sheegay In Qabiil Noqon Doonta Hadii La Isku Tuurtuura Dilka Ikraan Tahliil

Xildhibaan Daahir Amiin Jeesow ayaa si carro leh uga hadlay arinta Ikraan Tahliil, waxaa uuna ku celiyey in Ikraan...