Dad badan marka ay kululaadaan caado ayey u noqotay in qabowga xigsadaan, laakiin saynisyahanadu waxa ay na leeyihiin ..koob kulul ayaa fiican
XAQIIQO NEWS- SAYNIS
Cilmi baaris lagu baahiyey majaladda Biritan laga leeyahay ee “Mirror” ayaa lagu shaacisay in cabitaanada kulul sida shaah ay ku qaboojin karaan waa markii qofka uu yahay mid qalalan.
Dr Ole Jay, oo ka mid ahaa cilmi baarayaasha ayaa yiri ” marka aad cabto cabitaan kulul, dhididka ayaa sii badanaya, marka dhidika uu gaaro heer uumi baxa, taasi waxa ay kugu sababeysaa qaboojin”.
Sidoo Kale Aqri..Yaa Ku Fiican Cabitaank..Biyaha Kulul Mise Kuwa Qabow?
Dr Jay, waxa uu leeyahay kuleyla mar warlbo jirkeena ma qaboojiyo, isaga oo tusaale u soo qaatay hadii maalin kulul tahay qoyaana uu jiro islamarkaana aad sidato dhar badan, in aad cabto kuleyl kuma caawineyso,maxaa yeelay kuleyl yar ayuu jirka ku daraa, sidaa darteed hadiba dhididkaada uusan uumi bixi karin markaasi waa in aad cabtaa biya qabow”.