Xisaab Ahaan..Imisa Ayuu Qaadan Karaa Dagaalka Al-Shabaab iyo Mareykanka

-

Hadii Mareykanka uu ku sii dhaganaado caqliga uu hadda isticmaalo ee duqeynta lagu dilaayo “labo am hal jihaadiyiinta ka mid ah” waxa ay ku qaadan doontaa 13 sano in la soo afjaro dagaalka Alshabaab.


Xaqiiqonews-Wararka Gudaha

“Dagaalkani waa dagaal geed qaad oo kale ah” ayuu yiri wasiirka difaaca Mareykanka Mark Esper , mar su’aal laga weydiiyey duqeymaha uu Mareykanka ka fuliyo Soomaaliya iyo Liibiya,.

“Taasi macnaheedu wax waaye waa in aad sameeysaa ficiladan oo kale ka waqti ka waqti” ayuu sii raaciyey.

Dagaalyahanada kooxda Alshabaab ee hadda shaqeysa ayaa lagu qiyaasaa inta u dhaxeysa 5,000 ilaa 9,000 oo dagaal yahan, hadii markaa Mareykanka uu sii wado kaliya caqliyadda duqeyn ee lagu dilaayo “labo ama hal jihaadiyiinta ka mid ah” waxa ay Mareykanka ku qaadan doontaa 13 sano in uu soo afjaro dagaalka-sida Xaqiiqonews ay ka soo tarjuntay wargeyska faransiiska ee Le monde.

Wasaaradda Difaaca Mareykanka ayaa duqeymo xagga cirka ah ka fulisa Soomaaliya, kuwaasi oo ka dhan Al-shabaab, hase ahaate hay’adda xaquuqda aadanaha ee Amnesty international ayaa dhawaan soo saartay warbixino ay ku sheegeyso in duqeynta Mareykanka ay ku dhintaan beeraley, caruur iyo dad rayid ah oo aan waxba galabsan.

Wararka U Dambeeyey

Mooska Miyuu Noqon Karaa Halis Caafimaad!

Labo saynisyahan oo ka tirsan jaamacadda Beihang University Jian Saotian iyo Liao Jie,ayaa shaaca ka qaaday halis caafimaad oo...

Dagaalkii Qoriga Ee Farmaajo Iyo Mucaaradka Miyuu Soo Dhowyahay?

XAQIIQO NEWS- WAR IYO DHAMMAANTIIS WARKA:Todobaadkan Midowga Musharixiinta ayaa soo saaray digniin ku aadan habsami u socodka doorashada oo ay...

NASA Oo Dooneysa In Ay Kowkab Qarxiso..Dhagaxii Qiyaamaha Miyaa Soo Dhow?

NASA ayaa isku diyaarineysa in ay markab-xiddigeed si kas ah ugu dhufato kowkab, si tababar ahaan ah, iyada oo...

Ma Wanaagsantahay In Aad Mar Walbo Ahaato Qof Wanaagsan?

Dadka badankood waa ay ku jeclaan doonaan marka aad tahay "qof wanaagsan" laakiin xisaabta ku darsa mararka qaar in...

Mahadnaq..Dulmiga Ikraan Tahliil !

Ka dib muddo dhan 5 bilood oo kiiska Ikraan Tahliil uu soo taagnaa, sidee u aragtaa aqriste in aan...

Faafaahin..Wariye Cabdi Casiis Afrika Oo U Geeriyooday Dhaawac

Wariyaha caanka ah Cabdi Casiis Afrika oo sidoo kale ahaa agaasimaha raadiyaha afka dowladda ku hadla ee "radio Muqdisho"...