Idaacadda Alshabaab Andalus ayaa xalay baahisay barnaamij gaar ah oo ku saabsan weeraradii aadka u xooganaa ee Jimcihii lasoo dhaafay lagu qaadayo xarumo ammaankooda si aad ah loo adkeeyo oo dowladda Federaalka ay ku leedahay magaalada Muqdisho.
Cabdullaahi sheekh Aadan Sheekh Axmed Guure oo Ku magac dheer Cadiyatullaah kanasoo jeedo beesha Mariixaan ee degto gobolka Gedo wuxuu ahaa Ninkii fuliyay weerarkii Naf-hurnimo ee ka dhacay Hoteelka Doorabin ee kaabiga ku haya xarunta Nabad sugidda DF-ka ee Habar Khadiijo loo yaqaan.
Wuxuu wareysigan uga hadlayaa arrimo ay kamid yihiin sababta ku riixday in uu weerarka fuliyo, iyo Waxyaaba badan isagoo lahadlay Dowladda.